Ururka Suxifiyiinta Gobolada Galgaduud oo Cambaareeyay Xariga Shan Saxafi oo lagu xiray Dhuusamareeb.

0

Media Association Of Galgaduud Region (MAGRE) oo ah Ururka Suxufiyiinta Gobolada Galgaduud ee Dalka Soomaaliya Ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Xariga ay Culimada Ahlusunna ugu Geysteen
Magaalada Dhuusamareeb Shan ka mid ah Saxafiyiinta ka howl galaysay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Ciidamada Culimada Ahlusunna ayaa qaadey Hamiinimadii Xalay howlgal ay si gaara ugu beegsanayeen wariyayaasha ka howlgala magalada Dhuusamareeb waxaana ay ku qabteen Howlgalkoodii xalay sadex wariye oo qaarkood laga soo dhex watay iyagoo la caweynayay Caruurtooda halka kuwa kalena laga dhex gabtay goobahoodii shaqo e ay ku lahaayeen magaalada Dhuusamareeb.

Wariyayaasha xalay Xabsiga u hoyday ayaa kala ahaa Wariye Maxamed Deeq Cabdi Maxamed oo kamid ah Wariyayaasha u shaqeeyay Warbaahinta Dawlada, Wariye C/Jamaal Macalin Axmed oo ah wariye ka tirsan KalsanTV iyo Radio Bar-kulan iyo Wariye Bashiir Maxamed Salaad (Bashiir Sanka) oo ahaa wakiil Wareedka Horn Cable TV.

Hawlgal kale oo kaas lamid la mid ah oo ay saaka qaadeen Ciidamada Ahlsuna ayaa lagu Bartil maameedsaday Idaacada Codka Bartamaha oo kamid ah idaacada ka howlgala Magaalada Dhuusamareeb waxaana jir dil iyo Xarig loogu gaystay qaar kamid ah wariyayaashii warbaahintaasi
Madaxa banaan ee Codka Bartamaha.

Wariyayaasha halkaasi laga watey saaka ee iyagana la xiray Waxaa kamid ah wariye  C/laahi Warsame Rooble oo u shaqeeya Idaacada Codka bartamaha ahna wakiil wareedka radio Kulmiye ee Magaalada Muqdisho iyo wariye Laylo Nuur Cilmi oo iyaduna ah wariye ka tirsan warbaahinta Codka Bartamaha ee magaalada Dhuusamareeb.

Weerarkaan ay Maamulka Ahlusunna ku qaadeen wariyayaasha ayaa yimid markii Warbaahinta iyo wariyayaasha ku sugan  Deegaanada ay maamulaan ay ka biya diideen Sharci Cusub oo ay soo saareeen Maamulka Ahlusunna kaasi oo loo soo bandhigay maamulka iyo wariyayaasha Warbaahinta ka howlgasha Deegaanadaasi oo lagu yiri aqbala oo Saxiixa, waxaana Wariyayaashu  ay codsadeen in inta aan la soo bandhigin ay habooneed in lagala tashodo si wax looga badalo ama wax lagu wada heshiiyay uu noqodo sharciga Cusub ee ay keeneen Ahlusunna.

Sharcigan ayaa ah mid gabi ahaamba Ka hor imaanaya Saxaafada xorta ah iyo Xaquuqda madaxa banana ee uu Wariyuhu leeyahay.

Bishii may ee Sanadkan ayaa ahlusuna waxay sidoo kale ay Xirtay Radio Galgaduud xaruntiisa Magaalada Guriceel 18/ May 2015 kaasii xinraa mudo 13 cisha ah waxaana sidii kale ay Ahlusunna mudo 48.saac ay xabsiga dhigeen Agaasime ku Xigeenka Radio Galgaduud C/qaadir Guure maalin ka hor Xiritaankii Radio Galgaduud 17/ May 2015.

Baaqa Ururuka.

Media Association Of Galgaduud Region (MAGRE) oo ah Ururka Suxufiyiinta Gobolada Galgaduud Waxaa uu ugu Baaqayaa Culimaa’udiinka Ahlusunna inay sida ugu Dhaqsiiyaha Badan ku siiyaan Xoriyadooda Wariyayaasha.

C/kariin Axmed Gulxan
Gudoomiye Ku xigeenka Media Association Of Galgaduud Region (MAGRE)