WARBIXIN : Guddiga Difaaca Baarlamanka ayaa Maanta kulamo la Qaadan doono Bulshada ku dhaqan Magaalada Marka.

0

Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta kulamo la qaadan doona qeybaha Kala duban ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka shabeelaha Hoose

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Xuseen Carab Ciise iyo wafdi uu Hogaaminaayay oo shalay gaaray Magaalada Marka ee Gobolka shabeelaha Hoose waxaana Maanta Lagu wadaa In kulamo ay la qaataan qeybaha kala duban ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Marka ee Gobolka shabeelaha Hoose

Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay In Bulshada ay kala Hadli doonaan Qaabkey u dhaceyn dilalkii dhawaan ka dhacay Magaalada Marka ee Gobolka shabeelaha Hoose ay geysteen ciidamo ka Tirsan kuwa Midowga Africa ee amisom

Dhawaan ayay aheyd Markii Magaalada Marka Guriga uu ka dhacayay Aroos ay Galeen ciidamada amisom iyadoo Halkaas Lagu diley dad qaraabo ahaa oo xiligaas ku sugnaa Guriga