WARBIXIN:- Tirada Wariyayaasha u xiran Ahlusunna oo sii kordhay.

0

Ururka Suxufiyiinta Gobolada Galgaduud ee Dalka Soomaaliya Ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Weerarka ay wali Ahlusuna ku hayso Wariyayaasha ku Sugan deegaanada ay Maamulaan.

Ciidamada Culimaa’udiinka Ahlusunna ayaa sii kordhiyay weerarka aan kala joogsiga lahayn ee ay ku hayaan wariyayaasha Ku sugan deegaanada ay maamulaan.

Ciidmada ayaa mar kale saaka weerar ku galay gudaha Idaacada Codka Bartamaha oo kamid ah idaacada Madaxa banana ee ku yaala Gudaha magaalada dhuusamareeb waxaana ay ka wateen gudaha Idaacada Agaasimihii idaacada Codka Bartamaha Nafiso Xirsi Maxamuud oo Wakeel wareed u ahayd UniversalTV iyo Idaacada Ciidamada Qalabka sida ee Dawlada.

Sidoo kale Ahlusuna ayaa Maalintii labaad haysata Shan Wariye oo ka tirsanaa Wariyayaasha ka howlgala Magaalo Madaxda Gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb.

Wariyayaasha Maalintii Labaaad gacanta Ahlusuna ku jira ayaa kala ah Maxamed Deeq Cabdi Maxamed oo u shaqeeyay SNTV iyo Radio Muqdisho, C/Jamaal Macalin Axmed oo ka tirsan wariyayaasha Radio Bar-kulan iyo kalsanTV, C/laahi Warsame Rooble oo kamid ah shaqaalaha SomnewsTV iyo Radio Kulimiye, Bashiir Maxamed Salaad oo u shaqeya Horn CableTV  iyo Star Fm, iyo Laylo Nuur Cilmi oo ka Shaqeysa Idaacada Codka Bartamaha.

Guud ahaan tirada Wariyayaasha u xiran Ahlusuna ayaa gaaraya 6Lix wariye oo labo kamid ah ay yihiin Gabdho,

Dhinaca kale Wariyayaashii horey ugu xirnaa Ahlusuna ayaa laga bixiyay xabsiga Dhuusamareeb hamiinimadii xalay waxaana la shoogayaa in loo warejiyay saldhiga Degmada Guriceel.