WARBIXIN:- Ururka NUSOJ oo ku baaqay in si deg-deg ah loo sii daayo weriyaal ku xiran Dhuusomareeb.

0

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa ugu baaqay maamulka Ahlu Sunna ee degmada Dhuusamareeb in sida ugu dhakhsiyaha badan xorriyadooda ugu soo casiliyaan wariyayaasha ku xiran magaaladaas,  abuuraan jawi maamulka iyo saxafiyiinta gobolka ku wada shaqeyn karaan, iyadoo Ururka cambaareeyay tallaabada lagu xiray.

Weriyayaasha oo kala ah Maxamed Cabdi Maxamed oo wakiil Gal-Gaduud uga ahaa TV-ga Dowlada, Cabdi-Jamaal Macalin Axmed oo u shaqeeya Tv-ga Kalsan iyo Idaacadda Bar-Kulan iyo Bashiir Maxamuud Salaad oo isna u  shaqeeya Tv-Horncable ayaa  Sabtidii maamulka Ahlu Sunna ee magaalada Dhuusamareeb xabsiga dhigeen, kadib markii ay su’aalo ka keeneen is diiwaan gelin maamulku ku dhawaaqay.

Weriyayaasha ayaa welwel ka muujiyay xogaha maamulku ururinayo sida ay ugu dhigi karaan gacan ammaan ah, iyagoo intii la xirin welwelkaas la wadaagay Ururka.

Sanadkii la soo dhaafay ayaa Ururka Ahlu Sunna sidan si lamid ah ka dalbay weriyayaasha iyo warbaahinta inay isa soo diiwaan geliyaan, waxaana qaar ka mid ah weriyayaashii is diwaan geliyay xogtooda loo adeegsaday in lagu daabaco qaar ka mid ah boggaga internetka kadib markii maamulka Ahlu sunna u arkay inay siyaasadooda ka hor imanayaan. Nuqulka diiwangelinta oo nuqul ka mid ah NUSOJ la soo gaarsiiyay ayaa sidoo kale warbaahinta iyo wariyayaasha ku qasbaya inay fasax weydiistaan maamulka ka hor inta aan warka la dirin.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa waxaa uu ugu baaqayaa maamulka Ahlu sunna inay si bilaa shuruud ah xorriyadooda u soo celiyaan weriyayaasha xiran, isla markaana ugu baaqay maamulka Ahlu sunna inay joojiyaan is diiwaan gelinta qasabka ah ee weriyayaasha iyo warbaahinta oo cidii su’aalo ka keenta xabsiga la dhigayo.

“Waa nasiib darro in weriyayaal xabsiga loo dhigo su’aalo ay ka keeneen is diiwaangelin, taasoo maamulka Ahlu Sunna ugu jawaabay xarig,” Xoghayaha Guud ee NUSOJ Maxamed Ibrahim ayaa intaasi ku daray, “Waa in maamulku joojiyaa is diiwaangelinta qasabka ah oo ay ku qalqal gelinayaan weriyayaasha iyo warbaahinta gobolka.”

“Waxaan ugu baaqeynaa maamulka Ahlu Sunna ee Dhuusamareeb inay si bilaa shuruud ah xorriyadda wariyayaashaas u soo celisaa, abuurtaana jawi ay warbaahinta iyo maamulku ku wada shaqeyn karaan.”