(WARBIXIN+SAWIRO) Madaxwaynaha Puntland oo la kulmay madaxda Shirkada dhisaysa garoonka diyaaradaha Bosaso.

0

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Madax ka socotay Shirkadda CCEC ee ku howlan Dhismaha garoonka Diyaradaha Bosaso wafdigaaso uu Hoggaminayay Mareeyaha Shirkadas Mr Aalan Li iyo Sidoo kale Howlwadeenada Shirkadda oo uu kamid yahay Eng Micheal Chen oo gacanta ku haya Dhismaha Garoonka.

Dr. Gas ayaa ka dhageystay madaxdan halka uu marayo Garoonka Diyaaradaha Boosaso oo Dhismihiisu weli socdo iyo sida loogu bahanyahay in Shirkadda Dabayaqada Sannadkan ay dhameyso Dhisitanka Madaarka Bosaso.

Magaalada ganacsiga Bosaso ayaa la filaya in Dabayaqada sannadkan ay yeelato Madaar Caalami ah oo ay ku soo degi karaan Diyarado waaweyn taaso in badan ay ku tamayeen Shacabka Puntland.

Dowladda Puntland ayaa sidoo kale ku halwan Mashariic lagu balaarinayo Dekedda Bosaso iyo sidoo kale Dayactirka iyo samaynta Waddoyinka Puntland.

DAAWO SAWIRADA:

Madaxtooyo1-450x253 Madaxtooyo3-450x253 Madaxtoyo2-450x253