WARBIXIN+SAWIRO : Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo booqday ciidanka ku sugan jiida hore ee deegaanka Godod.

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqday ciidanka ku sugan jiida hore ee deegaanka Godod oo qiyaastii 30-kiilo mitir ujirta magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Madaxweynaha ayaa markii uu gaaray deegaankaasi waxaa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo katirsan ciidanka ku sugan jiida hore ee difaaca deegaanka Godod.

Ciidankan oo u tababar difaacida dalka ayaa wajiyadooda waxa laga dheehanayey farxad iyo reyn reyn, waxaana ay har iyo habeen u soo jeedaan sidii ay u difaaci lahaayeen Diinta, Dadka iyo Dalkooda oo ay u dhaarteen.

Madaxweyne Gaas ayaa ciidanka iyo saraakiishooda ku amaanay dadaalka ay wadaan, isagoona ku booriyey in ay laba jibaaraan difaacidda dalkooda iyo adkeynta nabadgelyada .

Madaxweynaha ayaa intaas kadib kormeeray ceel riig ah oo laga qodayo deegaanka jeexdin oo u dhaxeeya deegaanka Godod iyo magaalo madaxda Gobalka Mudug ee Gaalkacyo.

Ceelkaan ayaa maraya heer gebo gebo ah , waxaana uu gudiga wada qodista ceelkaas ku bogaadiyey howsha ay hayaan, maadama uu yahay ceel la rabo inay kawada faa’iideystaan shacabka Puntland.

DAAWO SAWIRADDA:

IMG_1936 IMG_1943 IMG_1944 IMG_1953 IMG_1956 IMG_1963 IMG_1969 IMG_1988 IMG_1991 IMG_2001 IMG_2010 IMG_2014 IMG_2061 IMG_2063 IMG_2065 IMG_2070 IMG_2074 IMG_2077 IMG_2081 IMG_2085 IMG_2095 IMG_2116 IMG_2125 IMG_2141 IMG_2171 IMG_2178 IMG_2215