WARBIXIN+SAWIRO: RW. Cumar Oo Maleeshiyadda Raaskanbooni Ka dhaa-dhiciyay isbadal lagu sameeyo Baarlamankii Uu Sameystay Axmed Madoobe+Akhri Heshiiska.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke iyo wafdi uu hogaaminayay ayna ka ka mid ahaayeen xubno ka tirsan golaha Wasiirada iyo xildhibaano ayaa maanta gelinkii hore gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda Hoose, waxaana ujeedada safarkani uu ahaa sidii loo tixgelin lahaa cabashada ka dhalatay dhismaha Baarlamaankii Uu Kismaaayo ku Sameystay Hogaamiyaha Kismaayo Axmed Madoobe iyo Habkii Khaldanaa ee loo maray.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa markii ay gaareen magaalada Kismaayo, waxaa garoonka ku soo dhoweeyey Axmad Madoobe iyo xubno kale oo ka tirsan Kooxdaasi.
Wadahadalo saacado qaatay kadib, ayaa laga soo saaray qodobada hoos ku xusan.

1. in Kooxda Axmed Madoobe ay ogolaatay in dib u eegis lagu sameeyo habka dhismaha Baabrlamaankii Lagu Sameeyay Kismaayo, laguna kordhiyo inta loo arko inay ka maqantahay

2. In guddigii ay DF dhistay ee uu madaxda u ahaa Wasiirka A. Gudaha ay Kismaayo tagaan, dib u eegisna sameeyaan, lana fariistaan dhinacyada arrintu khuseyso

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa soo dhoweeyey qodobada is afgaradkaan, wuxuuna ku tilmaamay bog cusub oo u furmay beelaha ku dhaqan goboladan, maadaama Uu Axmed Madoobe Cumar Cabdirshiid ka ogalaaday in ay xaliyaan cabashada shacabka Ee Xoogan, isaga oo xusay in arrinkani uu horseedi doono qancinta iyo soo xero-gelinta dhinacyada diidan habkii loo maray dhismaha maamul ku sheega kismaayo heysta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in Xukuumada Federaalka ay taageero dhankastaba leh ka geysaneyso dhaqangelinta is afgaradkan, iyo meel marintiisaba, si loo helo maamulo sal adag oo ka tarjumaya rabitaanka shacabka, ugu dambeyntiina loogu gogol xaaro taabagelinta geeddi socodka 2016.
Lama Oga waxa ka dhaqan gali karra arintaan Ayadoo Hogaamiye Axmed madoobe uu marar kala duwan dhagaha ka fureystay Cabashadda dadka Shacabka ah.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisii ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib heshiiskan, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay bilowdaan dhaqangelinta qodobada ku xusan heshiiskan.

DAAWO SAWIRADII:

2

unnamed

unnamed3

unnamed4

unnamed5

unnamed6