Warqad ka socota Afrika: Darbiyada waa weyn waxaa ay sababi karaan dhibaato weyn+Akhri.

0

Warqadihii Qoraallada ee ka socday Wariyayaasha Afrka, Elizabeth Ohene oo ah Qoraa u dhalatay Dalka  Ghana ayaa markan wax ka qortay  dhibaatada ka dhalata Darbiyada ay dhisaan Dowladaha ee ay ka dhisaan Sohdimaha Waddamada kale si ay uga hortagaan dhibaato ku soo wajahan ama heysataba.

Derisku waa uu kala duwan yahay, mid ayaa qeylo badan, midi waa mid wasaqeysan, midi wa halis nololeed midna waa sabab la’aan.

Badanaa waad ka fogaan kartaa mid ka mid ah inta aanu sheegnay adiga oo rajeynaya in ay dhamaaneyso dhibaatada kaa heysata laakiin waxaadan ogeyn in ay iman karto mid taa ka sii xun.

Badanaa haddii aad tahay Waddan ee aadan ahayn qof kama guuri kartid Deriskaaga ,waxaadse isku daydaa xal kale oo ah in aad radiso ka hor tag ama dhameyn.

Laakiin waxaan dhisnaa Darbiyo kadibna waxaa ay noo geystaan dhibaato ka badan midda aan kala kulmi lahayn xallintooda iyada oo loo marayo siyaabo ka duwan Darbi dhisid.

Waxaan marqaati ka ahaa waxa ka dhashay darbiga laga dhisay Gudaha Ghana, waxaa uu sababay in Maxkamad dhexdeeda toogasho ka dhacdo.

Waxaan tagay Adis Ababa arrimo ku saabsan wartabinteyda waxaan la kulmay  Wariye saaxiib fiican ahaa oo u shaqeeynayay BBC qeybta la hadasha Afrika.

Waxaa uu halkaasi u joogay si uu noogu soo tabiyo dhacdooyinka Itoobiya ee ka  mid ah Afrika,waxana la joogay wakiil ka socday Warbaahin reer Galbeed ah xilligii adkaa ee uu Waddanka heystay kaligii  taliye  Mengistu Haile Mariam.

Wariyahaas Al baabka ku xiga Jeneraal ka tirsan Ciidanka Itoobiya, waxaan illaaway midka dhisay labadooda Darbiga u dhaxeeyay  si uusan kan kale u arkin waxa uu ku karsanayo Jikadiisa “Kushiinkiis” kagana hor tago iftiinka ka imanaya kan kale.

Darbigaas u dhaxeeyay labada Nin waxaa la dumiyay laba jeer haddana dib ayaa loo dhisay , xaaladdaas waxaa ay keentay in la tago Maxkamadda Kabele oo u dhaweyd halka dhibaatadaasi ka jirtay oo Adis Ababa ah.

Intii ay socotay Maxkamadda labadii Nin ayaa loo ogolaaday in ay is dhageystaan, laakiin Wartabiyihii ayaa toogtay Jeneraalkii madaxa ayuu ka toogtay wuuna dhintay, ilaaladii Jeneraalka ayaa Wartabiyihii isna toogtay , xal miyey ku dhamaatay?

Elethabet

Elizabeth Ohene: Qoraaga Warbixintan.

“ma jiro taariikhda wax nagu dhiirrin kara darbi dheer oo la dhiso in uu ilaalin karo dadka aanan u baahneyn ee doonaya in ay galaan Waddanka kale”

Nasiib wanaag Wariyaha ma dhiman ee wuu dhaawacmay, aniga ayaan u tagay isaga oo halis ku jira Isbitaalka ayaan u qaadnay iyada oo ay nala socdaan Cidan ka mid ah kuwa kaligii taliyihii Mengistu ee la afgambiyay, wariyihii daweyn kadib waa la xiray Xabsiga ayaana la dhigay.

Marna kuma fakarin in Jeneraal ciidan iyo Wariye is ag deggan ay darbi kala dhistaan, is faham darri kadib gaarsiisay in ay is toogtaan, natiijada darbiga miyaa is dil ku dhamaata.

Marka ma ogi sida darbi la dhiso uu ugu haboon yahay in is faham lagu dhameeyo, waxaase dhabtu tahay  in darbi la dhiso lagu dhameyn karo dood iyo wada hadal.

Dhawaan Tunisia ayaa ku dhawaaqday in ay dhiseyso darbi dhinaca Libya si  ay uga hor tagto Kooxaha dagaallama ee ka soo gala dhinaca Dalka Libya, darbigaas waxaa uu gaarayaa 160 KM oo dhirir ah dhinaca circa, waxaana lagu wadaa in la gabagabeeyo dhamaadka Sanadkan 2015.

Tani waa natiijada ka dhalatay dhibaata ay wajaheyso Tunisia oo ay ugu horreeyso weerarkii lagu laayay dal xiisayaal reer Yurub ahaa oo ku tamashleynayay Xeebaha Tunisia.

Kala qeybisyada Shalay iyo manta

shalay iyo maanta

waa mid ka mid ah Darbiyadii ugu horreeyay ee Dunida gaar ahaan, qeyb ka mid ah Darbigii Berlin ka hor inta aan la casriyeyn.

Falistin

Israel ayaa darbi gaaraya 720KM ka dhistay Daanta Galbeed dhulka ay xoogga ku heysto ee reer Falastiin.

Hindiya ayaa dhistay darbi gaaraya 740KM  xadka kala qeybiya iyaga iyo Pakistaan ee Kashmiir

Aagga Milatariga ka caaggan ee  kala qeybiya laba Kuuriya waxaa la dhisay 1953dii  kaas oo ilaa hadda aad loo ilaaliyo gaarayana 250KM oo dhirir ah iyo 4km oo ballac ah.

Sucuudiga ayaa dhawaan shaaciyay in uu darbi ka dhisayo Xadka uu la wadaago Yemen kaas oo gaaraya 1,800KM.

Berlin derb

Qarnigii 20aad  waxaa la dhisay darbigii kala qeybinayay Berlin 1961 ilaa 1989kii, waxaana uu gaarayay 155KM, hadda waa goob dalxiis.

Qarnigii 2aad waxaa la dhisay darbigii Hadrian  oo kala qeybinayay Ramaniyiintii Scotland iyo England, waxaana uu gaarayay dhererkiisa 117.5KM

Chine

Darbigii weynaa ee Shiinaha kaas oo la dhisay Qarnigii 5aad kas oo Shiinuhu ka dhisay Waqooyiga Waddankiisa sanado bandanna dhisnaa, hadda waa goob dalxiis.

Ciidanka Kenya

Billowgii Sanadkan Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay dhiseyso darbi kala qeybiya Kenya iyo Soomaaliya si ay uga hor tagto Weerarrada Al-shabaab, darbigaas waxaa la qorsheeyay in uu gaarayo 708KM

Ma hubo in mashaariicdan darbi dhisidda ah ay guuleysteen ama guuleysan doonaan, darbigii weynaa ee Shiinaha ayaa isu baddalay  goob dalxiis oo uu Dowladdu dhaqaale ka soo galo, Darbiga Hadrian ayaa isna la mid ah ee Scodland iyo England.

Markasta oo aad is dhahdo ka fogoy deriskaaga oo aad dhibaato heysata kaga tago adna bad qab maahid, waxaana tusaale noogu  filan darbigii Berlin halka uu ku dambeeyay.

Darbiga Taleefannada

Mararka qaar marki kartid darbi muuqda, waxaadse la yaabi kartaa in Taleefannada darbi yaallo, waxaan Tacsi u aaday tuulo ku taalla Togo oo Qof Qaraabadeyda ah ku dhintay, waxaa iigu soo dhacay Taleefankeyga Gacanta Fariin Qoraaleed I faraya, “ku soo dhawow Togo qiimahan soo socda waa midka aad ku adeegsan karto gudaha Togo kaas oo ahaa $1.5 daqiiqaddiiba si aad wici taan u sameyso, 0.5% waa wacitaannada kuu soo dhacaya, halka 0.4% ay tahay Fariin Qoraaleed ah waxaana ugu dambeeyay adeeggani waa Canshuur gaar ah.

Waan ku wareeray, waxaana nacayba adeegga wareega ee Roaming Service ,waxaana go’aansaday in aanan taleefan adeegsan marka aan dibadda kaga baxo Ghana.

Markii aan ku laabtay Ghana ayaan arkay Taawarkii Sharkadda Taleefannada Togo oo wali ila socota.

Runtu waxaa ay tahay in  dalka deriskeenna ah ee Togo uu dhigay Darbi Taleefan, waa mid ka mid ah dhibaato u gaar ah Afrika oo aysan la qabin Yurub.

In ka badan 100 Sano ka dib  shirkii Qiyaanada Baarliin ee Xudduudaha Afrika ee Warqadaha kaliya ku qoran kuwaas oo ay dafireen Dadka Adduunka in si aan darbi ahayn xal looga gaaro dhibaatada taagan ee Afrika.

Xigasho:BBC Africa.

W/Q:Elizabeth Ohene:

W/T: Adam Ibrahim Farah