Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay+Warmurtiyeed.

0

Mogadishu, 01 August 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Shirkii HLPF lagu qabtay Muqdisho waxqabadka dawladana lagu amaanay, Hawlgalka dalka lagu xoreynayo ee Guulwada oo si fiican u socda, Gurmadkii qaxootiga Yemen oo si habsami leh u socda, IGAD iyo Wasaarada Warfaafinta oo iska kaashanaya Wacyigelinta Bulshada, Dakhliga Dowladda oo 100% la kordhiyey, Iskudhafka Ciidanka oo si xowli ah u socda, Baarlamaanka oo ka doodaya Shariciga La Dagaalanka Argagaxisa, Dowladda oo soo gudbisay faahfaahin Qaraxii Jaziira Hotel, Wasiirka Gaashandhiga oo shacabka Cabudwaq wadatashi la yeeshay, Howlgallo lagu sugayo Ammaanka oo si habsami leh u socda iyo Olole Nadaafadeed oo ka socda Muqdisho.

Shirkii HLPF lagu qabtay Muqdisho waxqabadka dawladana lagu amaanay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa wada shir-guddoominayey Madasha Wadatashiga Heerka Sare oo ay ka soo qeybgaleen in ka badan 32 dal. Shirkan muhiimka ah ayaa waxaa looga hadlay waxqabadka Dowladda ee dhanka Siyaasadda iyo amniga. Waxaana la isla qiray in horumar ballaaran laga sameeyey dhanka siyaasadda iyo amniga. Shirkan oo socday muddo labo cisho ah ayaa ugu danbeyntii waxaa laga soo saaray war-murtiyeed oo qodobka 3aad lagu soo dhoweeyey Dhismaha Dowlad Goboleedka GalMudug, halka qodobka 6aad lagu soo dhoweeyey dhameystirka guddiyada madaxa-bannaan ee doorashooyinka, iyo xuduudaha, iyadoo loogu baaqay inay si habsami ah u howlgalaan. Qodoboka 10aad waxaa lagu soo dhoweeyey go’aankii Golaha Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada ee ahaa inaan doorashooyin hal cod iyo hal qof aan la qaban karin 2016ka, iyo talo soo jeedintii Dowladda ee ahaa inay hay’adaha dowladda, maamul goboleedyada, bulshada rayidka iyo shacabka ka wadatashanayaan sidii loo soo bandhigi lahaa nooca doorashada ee la qaban karo 2016ka. Shirkan ayaa ahaa mid aad u xoojinaya dowladnimada iyadoo la isla gartay in Soomaalidu ay aayahooda ka tashadaan, caalamkana diyaar u yahay inuu ku taageero.

Hawlgalka Militari ee Guulwada oo si fiican u socda

Howlgalka la magac baxay Guulwade oo ay ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM bilaabeen ayaa si habsami leh u socda. Ujeedada howlgaladan ayaa ah sidii kooxaha nabad-diidka ah looga sifeyn lahaa dalka oo dhan, si shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiiyo adeegyada bulshada oo muhiimka u ah. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa guulo waaweyn ka gaaray howlgaladii dhowaan laga fuliyey gobollada Gedo iyo Bay, oo degmooyinka Baardheere iyo Diinsoor laga xoreeyey kooxihii nabad-diidka ahaa oo in muddo ahba shacabka afduub ku heystay. Sidoo kale ciidamada ayaa bilaabay howlgallo lagu xasilinayo deegaanadaas oo dhan si loo hubiyo inaysan kooxaha nabad-diidka ah ku soo dhuuman shacabka dhexdiisa ah.

Gurmadkii qaxootiga Yemen oo si habsami leh u socda

Dowladda Federaalka oo in muddo ahba waday dadaal loogu gurmanayo qaxootiga ka soo cararaya dagaalada Yemen, ayaa si fiican u socda oo markab sida 2000 qaxooti cusub ah soo gaaray dalka. Guddiga Gurmadka Qaxootiga ayaa labalaabay dadaalkooda oo runtii dhiiri gelin weyn u sameeyey shacabka, ganacsatada iyo qurbo-joogta, oo suurtogelisay in taageero fiican loo fidiyey qaxootiga ka soo cararaya dagaalada Yemen. Dowladda Federaalka ayaa aad iyo ugu mahadcelisay shacabka Soomaaliyeed doorkooda ku aadan taageeradooda joogtada ah, sheegeyna inay tani horseedeyso isku tashi keeni kara in dalka iyo shacabka ay si wadajir ah uga howlgalaan sidii Dowladda Federaalka u heli laheyd canshuur ay howl maalmeedkeeda ku fuliso oo ay shacabka u adeegto.

IGAD iyo Wasaarada Warfaafinta oo iska kaashanaya Wacyigelinta Bulshada

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir ‘Maareeye” ayaa 28kii July 2015 xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afey, oo ay ka wada hadleen xoojinta arrimo ay ka mid yahiin xariirka IGAD iyo Soomaaliya iyo wacyigelinta bulshada. Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii IGAD iyo Wasaaradda Warfaafinta ay bisha sagaalaad isga kaahan lahaayeen sidii bulshada loo siin lahaa barnaamijyo wacyi gelineed oo muhiim u ah adeegyada aas aasiga u ah bulshada, ayna sare u qaadaan horumarinta Warbaahinta Soomaaliya. Wakiilka Urur Goabaleedka IGAD ee Somaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey ayaa sheegay in Warbaahinta ay door muuqda ka qaadanayso horumarka ka jira dalka, isagoo intaa ku daray in bisha sagaalaad ay Muqdisho ku qaban doonaan shirweyne looga hadlayo arrimaha Soomaaliya iyo sidii mashaariic kala duwan ay dalka uga hirgelin lahaayeen. Wasiir Maareeye ayaa ka codsaday Danjire Maxamed Cabdi Afeey in IGAD ay gacan ka siiso Wasaaradda Warfaafinta howlaha bulshada lagu fahamsiinayo Federaalka iyo fahanka dowlad wanaaga.

Dakhliga Dowladda oo 100% la kordhiyey

Wasaaradda Maaliyadda ayaa 28kii July sheegtay in dakhliga gudaha ka soo xaroodo uu kordhay laba laab (100%) sanadkii la soo dhaafay, taas oo ka damebysay markii ay dadka Soomaaliyeed ay bilaabeen bixinta canshuuraha iyo dowladda Federaalka oo dardargelisay sidii loo kordhin lahaa dakhliga Dowladda. Wasiiru-Dowlaha Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in lacagta gudaha ka soo xaroon jirtay sanadkii hore ay laba laabantay iminka, taas oo horseedi doonta uu dalku gaaro isku filnaasho. Wasiiru Dowlaha ayaa yiri “Wasaaradda maaliyaddu waxay dhinaca dakhli uruurinta ka sameysay horumar aad u ballaaran, tusaale ahaan horraantii 2014-ka dakhliga gudaha ee dowladda wuxuu ahaa wax ka yar 5 milyan oo dollar bil walba, hadda (2015) wuxuu marayaa 10 malyan bishii. Hadafkeenu wuxuu yahay in dakhliga gudaha uu noqdo 15 milyan sida noogu cad miisaaniyadda dowladda, waxaan rajaynayaa in sanadku inta uusan dhammaanin aan isku filnaano oo dakhliga gudaha uu daboolo adeegyada dowladda.” Wasaaradda maaliyadda ayaa xoojisay hannaanka dakhli uruurinta gudaha, si looga maarmo kaalmada miisaaniyadeed ee ay dowladdu ka hesho dibadda, dhawaan ayay dowladdu sheegtay in la dhimayo mushaaraadka shaqaalaha si la isagu filneysiiyo dakhliga dowladda uga soo xarooda gudaha.

Iskudhafka Ciidanka oo si xowli ah u socda

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 26kii July 2015 magaalada Kismaayo si rasmi ah daaha uga rogey hawlgelinta 1350 askari oo qeyb ka ah barnaamijka heerka qaran ee isku dhafka Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Ciidammadan oo qeyb ka ah qoondada gobollada Jubbooyinka kaga soo aadey dib u dhiska iyo isku dhafka ciidammada, ayaa waxaa muddo laba bilood ah uu tababar uga socday dugsiga tababarka militariga ee magaalada Kismaayo, waxaana ay hoos imaanayaan Saldhigga 43-aad ee Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay munaasabadda, ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga ay laf dhabar u yihiin amniga qaranka. Madaxweynaha ayaa yiri ”Muhimadda koowaad ee barnaamijkan isku dhafka Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa weeyaan in la helo ciidan ka kooban Soomaali oo dhan. Tababarka iyo dhaarta aad maanta halkan ku marteen waxay ka tarjumayaan in wixii maanta ka bilowda aad tihiin ciidan qaran, oo aadan ahayn ciidan beel ama gobol gaar ah ka socda. Ma tihiin wiilasha reer hebel, ee waxaad tihiin wiilasha qaranka Soomaaliyeed.” Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale dardaaran u jeediyay ciidammada iyo guud ahaan shacabka oo uu yiri “Waxaan idin ku baaqayaa inaan ka wada shaqeyno sidii sharciga iyo kala dambeynta loogu soo celin lahaa waddankeena. Waa inaan ka wada shaqeynaa sidii aan u yeelan lahayn dowlad xooggan oo dalka oo dhan adeegyada looga baahan yahay gaarsiin karta”. Barnaamijka isku dhafka ciidammada ayaa ah mid heer qaran oo ay wadajir isaga kaashanayaan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo maamullada ka jira dalka, waxaana ujeeddadu ay tahay in la helo ciidan heer qaran oo tayadoodu sareyso, kuwaas oo ka hawlgeli kara guud ahaan dalka Soomaaliya. Mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabada ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaan, Wasiirka Difaaca, S/Guuto Cabdulqaadir Shiikh Cali Diini iyo diblomaasiyiin.

Baarlamaanka oo ka doodaya Shariciga La Dagaalanka Argagaxisa

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo hortagay baaralmaanka 25kii July 2015 ayaa ka hadlay faa’iidada uu Amni ahaan dalka u leeyahay sharciga la Dagaalanka Argagixisada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Amniga isla markaana la Horgeeyay Baarlamaanka Soomaaliya. Wasiirka Amniga Gudaha ayaa yiri “Qofka marka uu ogyahay in uu sharci jiro ciqaab adagna ay ka horrayso qofkaas waa uu baqanayaa waxa uuna ogaanayaa in Ciqaab adag ay ka horrayso dambigaasna waa uu ka leexanayaa.” Wasiirka Amniga Gudaha ayaa ka codsaday Barlamaanka inay meel mariyaan Sharciga la Dagaalanka Argagixisada oo uu yiri “kooxda Al-Shabaab horay waxa ay u weerareen Goobo muhiim ah sida Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare, Aqalka Madaxtooyada, Xarunta Baarlamaanka iyo meelo kale oo muhiim ah, marka haddii aanan dadka nuucaas ah u helin sharci naga qabta, waa adkaaneysaa in danbiyada noocaas ah la joojiyo.”

Dowladda oo soo gudbisay faahfaahin Qaraxii Jaziira Hotel

Wasaarada Amniga ee dowladda Federaalka ayaa 29kii July 2015 soo saartay warbixin hordhac ah oo ku saabsan qaraxii Hotel Jaziira ka dhacay 26kii July 2015. Iyagoo sheegay in qaraxa noociisu uu ahaa ismiidaamin loo adeegsaday gaari nooca Xamuulka ah (Nissan UD) oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaasoo ku soo dhex dhuuntay dad qaxooti ah oo laga rarayey agagaarka Hoteelka, wuxuuna dusha soo saartay joodoriyaal & Alaab guri. Khasaaraha uu gaystey qaraxaasi waxay kala yihiin, 17 Dhimasho, toboneeyo dhaawac ah. Waxaa khasaare burbur soo gaarey dhismaha Hoteelka la weerarrey & guryo kale oo ka ag dhowaa Hotel Jaziira. Sidoo kale dadka ku dhintay waxaa ka mid ahaa 2 suxufi, halka mid kalana uu ku dhaawacmay weerarkaas. Shaqsiga fuliyey falkan argagaxisada ayaa ahaa C/Risaaq Muuse Buux, ina Shukri Faarax, 30 jir, Reer Boorame ah, ku dhashay magaalada Tripoli-Libya, wuxuuna ku noolaa magaalada Born, Dalka Jarmalka. C/risaaq wuxuu soo maray Dalka Masar, markii uu dalka dib ugu soo noqonayey sanadkii 2012. C/Risaaq wuxuu ku soo biiray kooxda UGUS 2013, ayadoo dad qurbo joog ah ay ku soo tashkiiliyeen. Qaraxaan mas’uuliyaddiisa waxaa sheegtay kooxda UGUS, waxaa soo baxayaa inay jiraan shaqsiyaad kale oo lahaa abaabulka & fududaynta weerarkaas, Waxaana la rumaysanyahay inay ka mid ahaayeen C/naasir Axmed Buuni, oo ahaa shaqsiga kor ka hagayey qaraxa ismiidaaminta ah, wuxuuna hada ku suganyahay magaalada Boorame iyo nin ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyada dalka soo marey, oo hada ka cararey magaalada Muqdisho. Waxaana socota baaris ku saabsan falkaas aragagixisanimo ay soo maleegeen cadowga Nabad-diidka ah ee UGUS.

Wasiirka Gaashandhiga oo shacabka Cabudwaq wadatashi la yeeshay

Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa 25kii July kulan la qaatay qeybaha bulshada ee degmada Cabudwaaq kuwaasi oo kala hadlay arrimo badan, isaga oo dhinaca kale ka hadlay howllgalada ka dhanka maleeshiyada Shabaab ee ka socda qaar ka mid ah gobollada dalka. Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo socdaal ku tegay degmada Cabudwaaq ayaa qeybaha bulshada uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka, isagoo kala hadlay inay ka shaqeeyaan xoojinta amniga iyo isdhexgalka bulshada. Wasiirka ayaa kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha ciidanka booliska ee degmada ku sugan. Wasiirka ayaa baaq u diray culimaa’udiinka Ahlu Suna Wal-Jameeca oo ku saabsan inay qeyb ka noqdaan Dowlad Goboleedka GalMudug, ayna waxkasta ku dhameeyaan wada hadal. Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali, Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya oo ka hadlayay howlgallada ka socda gobollada dalka ayaa tilmaamay in howlgalladu ay yahiin kuwa la doonayo in dalka oo dhan lagaga sifeeyo argagixisada Al-Shabaab, isla markaana dib loo soo celinayo xasiloonidii iyo kala dambeyntii dalka.

Howlgallo lagu sugayo Ammaanka oo si habsami leh u socda

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa 30kii July ay howlgallo ka sameeyeen deegaanno hoos taga degmooyinka Xudur iyo Tiyeegloow oo ka wada tirsan gobolka Bakool. Howlgaladan ayaa ciidamadu ay ku dileen tiro ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab halka ay qaar kalena nolosha ku qabteen, iyagoo ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen deegaannadaasi. Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin ayaa sheegay in dagaal ka dhacay Laba tuulo oo ka tirsan degmada Xudur ay ciidamadu ku dileen 16 ka mid ah maleeshiyaadka nabad diidka ah, isagoo xusay in ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen tuulooyin farabadan oo ay ka mid yihiin Kulan Jareer, Buurdhuxunle iyo kuwo kale. Maxamed Macalin ayaa intaasi ku daray in dagaal kale oo ka dhacay deegaanno hoos taga degmada Tiyeegloow ay ciidanku ku qabteen 11 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab halka tiro intaa ka bandana ay ciidamadu dileen. Howlgalkan ka socda gobolka Bakool ayaa qeyb ka ah qorshayaasha la doonaya in kooxda UGUS looga sifeeyo dalkeena oo dhan.

Olole Nadaafadeed oo ka socda Muqdisho

Olole nadaafadeed oo ay ka qeyb qaadanayeen qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan degmada Hodan ayaa 29kii July laga fuliyay xaafado ka mid ah degmadaasi. Olalahani nadaafaded oo uu horkacaayay Gudoomiyaha Degmada Hodan Axmed Salaad Ibraahim ayaa laga sameeyay qeybo ka mid ah Waddooyinka Shiirkole iyo Taleex ee degmada Hodan waxaana Olalahaasi qeyb ka ahaa gaadiidka waaweeyn ee qashinka qaada. Guddoomiyaha Degmadaasi ayaa kormeeray goobaha ay ka socdeen olalaha nadaafadda, isagoo ugu baaqay shacabka inay kaalin firfircoon ka qaataan olalaha nadaafada iyo soo celinta bilicda Degmada.

DHAMAAD
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, media@moi.gov.so
Tel. +252 61 2777736 Email: moabharr@gmail.com – Muqdisho -Somalia

Weekly2
Weekly
Weekly3
Weekly4
Weekly13
Weekly15
Weekly16