TOP: Wiil yar oo Falastiin ah lagu gubay daanta Galbeed iyo Qaramada Midoobey oo cambaareysay

0

Wiil 18 bilood jir Falastiin u dhashay ayaa nolosha lagu gubay dhulka ay heysato Yuhuuda ee daanta Galbeed, iyadoo falkan ay si kulul u cambaareysay Qaramada Midoobey.

Tallaabadan gubitanka ayaa ka dambeeyay markii wiilka yar iyo qoyskiisa oo guri ku jiray bam lagu dhex tuuray, waxaana looga shakisan yahay weerarkaas inay ka dambeeyeen Kooxo Yuhuud ah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon ayaa si kulul u cambaareyaay falkaas, waxayna ku tilmaamtay fici aad looga naxo oo aan bani’aadanimo ah.

Ban Ki-Moon ayaa sheegay in loo baahan yahay in cidii falkaas ka dambeeyay cadalada la horkeeno, waxaana uu xusay in dhibaatada ka taagan deegaanka ay Yuhuuda xoogga ku heystaan ay ka jiraan dhibaatooyin soo noq noqday.

Madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas ayaa sheegay in isna ku tilmaamay falkan mid aad u xun.

Dowladda Israel ayaa qudheeda ku tilmaamtay weerarkan inuu yahay mid argagixiso, waxaana lagu eedeynayaa inay ka dambeeyeen koox xagjir Yuhuud ah.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhaawacmay saddex qof oo kale oo qoyska gurgiida la gubay ahaa.