Xalka Gedo Waxaa Leh Reer Gedo! W/Q:Dr.Mohamud Axmed Surdheer

0

Laga soo bilaabo Aqbalaadi la aqbalay Mabda’a Federalismka waxaa soo baxaya maaalin walba in Deegaanadi Beeluhu degi jireen la xaqirayo ama loo diidan yahay in beelu sheegato deegaan ay xaq u leedahay sidoo kale waxa beryahaan ku soo badanaya Qaabka dhul-goosiga ah ee mabda’aaan uu cadowtinimo uu dhexdhigayo hab deegaanki Bulshooyinka sidoo kale waxaa soo baxaya maalin walba qaab amar ku taagleyn ay madaxda Maamul Goboleedyadu u adeegsanayaan Deegaanada ay Bulshooyinku xaqa u leeyihiin maamulidooda iyo Dhismahooda.

Gobolka Gedo wuxuu ka mid yahay Maamulka Jubbaland laakiin wuxuu ku xiray shuruudo in Maamulka Jubbaland uu noqdo mid loo dhan yahay, Baarlamaankiisa in dib loogu noqdo dhismihiisa,wax walbana laga hormariyo xeer wax ku qaybsi iyo dib-uheshiisiin la dhigo.

Intaas oo dhan intaan la sameynin Gobolka Gedo waa inuu la shaqeeyaa DF, Maadaam ay tahay midda sharci u leh soo magacaabista maamulka gobolka Gedo wasaarada Arimaha Gudaha ee DF ayaana sharci u leh soo magacaabidda Gudoomiyaha Gobolka Gedo.

Hadaba waxaa meesha ka maqan koontroolki DF ay ahayd inayd isha ku hayso waxa ka shacaya Gobolka Gedo,sidoo kale DF waxay gabtay kaalintii kaga aadaneyd Masuuliyadii wax kala tabashada Maamulada, waxaan ognahay dadaalkii ay DF ku bixisay Gobolada dhexe,hadana ay dadaal kaas lamid ah ay ka wado Hiiraan-shabeele.

Waxaa kaloo DF ay ka gaabisay inay Maamulka Jubbaland inay kala hadasho faragalinta Dowladaha dariska ayku hayaandadka dega Gobolka Gedo,tusaale

Shirkii khiyaanada ahaa ee Doolow oo ay ahayd in lagala tashado DF ee uusan noqon

Mid u afduuban dawlada Ethiopia iyo Axmed Madoobe.sidoo kale DF waxay ahayd inay aad uga hadasho xad gudubka diyaaradaha Dagaalka ee dawlada Kenya ee dadka rayidka ah iyo xoolahooda ku laynaya baadiyaha,sidoo kale DF waxay ahayd inay xad- gudubka xadka Darbiga laga dhisayo laga dhigo Dacwo soohdineed ee dawlad cor ah.

Maamulka Raaskombooni wuxuu khilaafSiyaasadeed la galay DF,sidoo kale Maamulka koonfur Galbeed, sidoo kale maamulka Gobolka gedo.

Gunaanadkii iyo gebegabedii aayaha iyo xalka Gobolka Godo waxay u taalaa Reer Gdeo.

DF waxay si ula kac ah oo kas iyo maag ah indhaha uga daboo lanaysaa waxa ka dhacaya gobolka Gedo sidoo kale waxay si ula kac ah taageero la aan ugu sameynaysaa dadka tabaalaysan ee hadda ka xoroobay Alshabaab.

Axmed Madoobe wuxuu si quursi ah iyo waliba duudsi ku wadaa gobolka gedo sidoo kale wuxuu adeegsanayaa Lafo-geel aygaa la isku jabiyaa, sidoo kale wuxuu ujeedkiisu yahay inuu Gobolka soo geliyo shirkado ajaanib ah oo Offshores ah oo uu ka qaato Qandaraas si ay uga qaraabtaan gobolka.

Marka waxaan lee yahay waxgaradka iyo siyaasiyiinta iyo aqoonyhanada Gobolka Gedo ha isku -tashtaan waayo waa cidina uma maqna ceelna uma qodna iyo waliba Kud ka guur oo qanjo uguur,sidaas awgeed waa inay dhan isku raacaan oo aayaha Gobolka Gedo ka fakaraan.

W/Q: Dr.Mohamud Axmed Surdheer.