XOG : Afar qof oo lagala baxay xabsiga Degmada Doolow oo la dilay.

0

Afar qof oo shacab ah, ayaa xalay lagala baxay Xabsiga Degmada Doolow Ee Gobolka Gedo, iyadoona lagu toogtay duleedka Degmadaasi.

Dadkan oo u xirnaa Maamul La Sheegay inuu Deegaankaasi Ka Jirro, waxaan si rasmi ah loo garanayn ujeedada ka dambeysa in la dilo, waxaase lagu soo baraarugay dilkooda.

Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya amarka dadkaasi lagu dilay in uu bixiyay Horjooge ka tirsan Maleeshiyadda raaskanbooni Oo Lagu magacaabo, C/rashiid Xasan C/nuur (Janan).

Dadka la dilay waxaa ku jira nin oday ah oo lagu magacaabi jiray Axmed Maxamed Guurow. Ninkan odayga ah ayaa toddobaadkii hore laga qabtay Garoonka Degmada Doolow, xilli uu ka yimid Magaalada Muqdisho.

Saddexda qof ee kale, ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Aadan Deerow Cabdille, C/risaaq Faarax Mire iyo Sanyar Xuseen Maxamed. Sanyar waxay ahayd haweeney deganeyd Doolow.

Dadka la dilay, ayaa gelinkii dambe Axadii lagu arkay duleedka Degmada Doolow, xilli meydadkooda aan si wanaagsan loo aasin. Dad reer miyi ah ayaa la soo sheegayaa in ay arkayn.

Dhacdadan, ayaa noqotay mid ay hadalhayan dadka reer Doolow qaarkood, waxayse dadku ku noqotay wax layaab leh, in leeska laayo dad rayid ah, haddii aynaan Maxkamadi xukumin.