Xog Dhab Ah: Hoos-joogayaal Luga Dheere & Isbatoore Fartaag Kee Daaqada Ka Baxaya ?

0

Kismaayo(AGGM) Ka dib markii dhawaan Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni iyo Tageerayaashoodu ansixinteen waxay ku tilmameen dastuur ay yeelanayaan horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni iyo tageerayaashoodu waxaa soo baxaya warar sheegaya in labada hoos-jooge ee lagu kala magacaabo Isbatoore Fartaag iyo Lugadheere labadooda mid uu meesha ka bixi doono.

Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa sheegay inuusan waxa ay ugu yeereen dastuurka uusan ku jirin in Laba hoos-jooge yeesho maamulkoodu,waxaana ay sheegeen in labada hoos-jooge midkooda meesha ka bixi doono.

Wararka Warbaahinta Allgalgaduud heshay oo ay xaqiijiyeen ka qaar ka mid ah Horjogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni iyo tageerayaashoodu ayaa laga soo xigtey inuu meesha ka bixi doono Hoos-Jooge Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil ( Isbatoore Fartaag),waxaana la sheegay inay ku eedeyeen inuu ka gaabiyey inuu Beeshisa soo xero gelinayo,waana sababta ugu weyn ee uu xilka ku waayi doono sida laga soo xigtey Horjooge ka mid ah Maleeshiyaadka Raaskambooni.

Suldaan Cabdulqaadir Lugadheere oo horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni u yaqanaan ”Jibeysane” ayaa la sheegay in xilkaasi loo magacaabi doono iyadoo la sheegay inuu Horjoogaha Maleeshiyaadka Raaskambooni uu dib ugu laaban doono inuu sii ahaado Horjooge Maleeshiyaadka Raaskambooni.

Suldaan Luga Dheere ( JIBEYSANE) waxaa la sheegay inuu balan qaaday inuu u hogaansami doono awaamiirta kasta oo ka soo baxda Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana la shaaciyey inuu Horjooge Axmed Madoobe xilkaasi meel u saaray JIBEYSANE oo balan qaaday inuu fulin doono awaamir kasta oo ka timaada isaga iyo kooxdiisa.

Isbatoore Fartaag ayaa la sheegay inay Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni ay ka niyad jabeen markii uu tagay Baardheere oo ay socon waayeen wixii ay doonayeen Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana la sheegay in arrintaasi darteed xilkiisa Hoos-joognimo uu ku waayayo Isbatoore Fartaag.

Ugu dambeyntii JIBEYSANE & Isbatoore Fartaag waxaa ku adeegan jirey horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni ee laga soo dawaafiyey Gobollada NFD Kenya iyo Kilinka 5-aad,waxaana ay fulin jireen dhibaatooyinka loo geysto beelaha ay ka soo jeeda,waxaana laba shaqsi oo aan Matelin Beelaha ay ka soo jeedaan sida ay sheegeen ugaasyadda iyo Suldaanada ay ku abtirsadaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com