XOG: Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe Oo Amray In Xabsiga La Dhigo Odayaal Dhaqameed Caan Ah.

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay jeelka dhigeen inkabadan Sideed Odayaal dhaqmeed.

Odayaasha la xiray ayaa waxaa siyaabo kala duwan looga soo kala qabtay Aqaladooda iyo gudaha Magaalada kadib markii ay ka hor imaaden Siyaasada Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe.

Maxa’ed Yuusuf Geelle, oo kamid ah Odayaasha Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Maleeshiyada Axmed Madoobe ay xireen Odayaal badan 48-Saac ee lasoo dhaafay.

Wuxuu sheegay in Maleeshiyada Raaskambooni ay Shalay, Xalay iyo Saakay Guryahooda kala baxeen 9 Oday dhaqmeed, oo uu sheegay in si weyn looga yaqaano Gobolada Jubbooyinka iyo Kismaayo.

“Waxaan ka warhelnay Odayaasha oo la xirxiray ma garaneyno ujeedka laga lahaa balse waxaa igu maqaal ah inay ka hor imaaden Siyaasada Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe sidaana ay xabsi ku muteysteen”

Maxa’ed Yuusuf Geelle waxa uu carab dhaway in Odayaasha la xiray kaliya ay dhaliilsanaayeen qaab dhaqanka iyo waxuushnimada Maleeshiyo Beeleedka uu hogaamiyo Horjooge Axmed Madoobe, balse aysan jirin denbi kale oo ay galeen, waxaana uu codsaday in si dhaqso ah lagu soo daayo iyagoo bad-qabo.

Isku soo wada duuboo, xarigaani ayaa imaanaya xili dhawaan Horjoogaha Maleesiyada Raaskambooni uu isku doortay kaligiis Magaalada Kismaayo, islamarkaana dilal qorsheysan iyo xarig ceynkaan oo kale ah uu kula kacay Odayaal dhaqank, shacab, saraakiil iyo Siyaasiyiin farabadan oo lidi ku ahaa Siyaasadiisa foosha xun ee gumeystaha Madoow uu ugu adeegayo.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media.