Ciidamada Itoobiya oo lagu eedeeyay inay dad shacab ah ku laayeen Gobolka Galgaduud.

0

Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika Amisom, ayaa lagu eedeeyay inay dad shacab ah ku dileen deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Nabadoon Cali Faarax Kheyre oo ka mid ah Odayaasha deegaanka Ceel Qooxle , ayaa sheegay ciidamada Itoobiya inay dileen Afar ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen macalimiin deegaanka laga garanaayay.

Wuxuu sheegay dilka ciidamada Itoobiya ay u geysteen dadkaan shacabka inuu ahaa mid bareer ah oo ciidamada ay ku kaceen, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa ciidamada Itoobiya inay laayaan dad shacab ah.

“Ciidamada Itoobiya ayaa dishay Afar Qof oo Laba ka mid ah Macallimiin ahaayeen, ciidamada itoobiya ayaa aroortii soo weeraray deegaanka, ula jeedka ay u dileena lama garanaayo, deegaanka Al-shabaabna ma joogto, waa gardarrada qaawan ee Itoobiya ay dalka ka wado.” Ayuu yiri Nabadoon Cali.

Nabadoon Cali Faarax Kheyre, waxa kale uu sheegay ciidamada Itoobiya inay xir xireen 11 Odayaasha deegaanka ah, ilaa hadana aanan la aqoon sababta ay u xireen Odayaashaasi.

Ciidamada Itoobiya ayuu sheegay inay geystaan falkii ay doonaan, iyadoo uusan jirin cid si rasmi ah ula xisaabtamaysa, maadaama ficilada ay geysanayaan ay yihiin kuwa aanan loo dul qaadan karin.

Ma’ahan falkii ugu horeeyay ee ciidamada Itoobiya ay geystaan , deegaanka Halgan ayeey ciidamada Itoobiya ka geysteen dil ay u geysteen shacab gaari saarnaa.