SAWIRO+VIDEO :- Ismaaciil Hurre Buubaa oo maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa.

0

Wasiirkii hore Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya, Ismaaciil Hurre Buubaa, ayaa maanta gaaray Magaalada Hargeysa Ee Xarunta Somaliland, iyadoona si diiran loogu soo dhaweeyay.

Siyaasiyiin iyo dad shacab ah, ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka Cigaal. Dadka shacabka ah ee soo dhawayntiisa ka qayb qaatay waxay wateen sawiradiisa, oo lagu dul qoray qoraal hal ku dhig looga dhigay (Ku soo dhawow dalkaaga hooyo).

Ismaaciil Hurre Buubaa oo muddooyinkii ugu dambeysay ka mid ahaa Siyaasiyiinta ku nool Magaalada Muqdisho, ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay soo dhawayntiisa looga diyaar garoobaayay Magaalada Hargeysa.

Buubaa oo si kooban kaga hadlay dadkii soo dhawaynta ugu sameeyay Magaaladaasi, ayaa mahadcelin u jeediyay, isagoona xusay in horumar uu u rajeynaayo Xukuumadda Somaliland, isla-markaana uu gacan ka gaysan doono guul ay Somaliland gaarto.

“Aad baan ugu faraxsanahay inta igu soo dhawaysay Magaalada Hargeysa, hadal badan ma rabo inaan dhaho oo dib baan ka wada hadli doonnaa, waxaanse idiin sheegayaa in aan Somaliland u rajeynaayo guul iyo horumar, anigane kaalin baan ka geysan doonaan inta kartideyda ah.” Ayuu yiri Siyaasigan.

Buubaa, ayaa waxaa la tilmaamaa inaanu la dhacsanayn hannaanka siyaasadeed ee Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo uu marar kala duwan ka weeraray Warbaahinta Muqdisho.

DAAWO SAWIRADDA:

Buubaa Buubaa1 Buubaa3 Buubaa4 Buubaa5 Buubaa6 Buubaa7 Buubaa21