DAAWO SAWIRADA : Maxamed Cali Americo oo loogu soo dhaweyey Holland.

0

Kulan si weyn loogu soo dhaweynaayey Danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhin jiray Kenya  Maxamed Cali Americo ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Roterdam ee Wadanka Holland, iyadoo kulanka ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee Bulashada Soomaalida ee ku nool wadanka Netherland.

Munaasabadaan lagu soo dhaweynaayey Maxamed Cali Amerio ,ayaa waxaa hadalo muhiim ah ka jeediyey  qaar ka mid ah Dadkii lagu casuumay, waxaana ay ku  bogaadiyeen Maxamed cali Americo sida hufan ee uu nabadda ugu shaqeynaayo .

Sheekh Muuse Cadde oo ka mid ah Culimaa udiinka Soomaaliyeed kuna nool wadanka Holland ayaa tilmaamay in bulshada Soomaaliyeed ay siweyn u yaqaaniin, isla markaana uu ku dayasho mudanyahay waxyaabaha uu sameyey Maxamed Cali Americo, isagoo ku amaanay sidii uu ugarab istaagay Soomaalida ku nool  wadanka Kenya xiligii uu Safiirka ka ahaa halkaasi iyo Socdaalkii nabadda ee Maxamed Cali uu ku tagay qaar ka mid ah gobollada dalka.

Cali Waare oo ah Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Holland ,ahna madaxa Hay’ada FSAN kuna hadlaayey magaca Soomaalida kunool Wadanka Holland, ayaa waxaa uu sheegay in kaalin weyn oo muuqata uu Maxamed Cali Americo uu ka qaaday Hanaanka Nabadda Dalka isagoo hoosta ka xariiqay in socdaalkii nabada ee uu ku tagay Goboladda dalka uu ahaa mid siweyn loogu baahnaa .

Magan Daahir oo ah Cayaaryahan kubadda Miiska oo guulo badan u soo hooyey Soomaalida ayaa waxaa uu Maxamed  Cali gudoonsiiyey abaal mirin qaali ah, taasi oo uu Magan ku sheegay in ay tahay hadiyad uu ugu talagalay Maxamed Cali, isagoo ka wakiil ah bulshada Soomaalida ee Holland.

Gabagabadii Xafladda, ayaa waxaa hadalo la sugaayey oo qiimo badan jeediyey Maxamed Cali Americo ,waxaana uu ka war bixyey socdalkiisii nabadda ee uu ku tagay Gobolada Dalka, marka laga reebo Gobolka Hiiraan oo  uu sheegay in loodiiday, waxaana uu si weyn ugu warbixiyey sida dadka Soomaaliyeed meel kastoo ay jogaan ay ugu soo dhaweeyeen.

“Socdaalkeyga gobolada Dalka iyo dibadaba waxaa uu ahaa mid nabadeed oo aan ugu kuurgalaayey sida dadka Soomaaliyeed loo fahamsiinlahaa qiimaha nabadda, lakiin ma uu san aheyn mid siyaasadeed oo aan ku doonayo in aan u tartamo jagada ugu sareysa dalka 2016” ayuu yiri Maxamed Cali Ameerico .

Danjirihii hore ee Soomaaliya u joogay Kenya waxaa uu sidookale sheegay in meel kastoo uu tago ay dadka si weyn u soo dhaweynayeeen oo ayna u sheegayeen in ay u baahanyihiin in madaxda dalka ay u yimaadaan ,oo ay arkaan sida ay u nooliyiin ,taasi oo uu sheegay in ay tahay mid dhiirigalin u noqon karta shacabka Soomaaliyeed.

unnamed2 unnamed-41 unnamed-31 unnamed-21