DAAWO SAWIRADDA : Boqolaal Xujey ah oo loo qeybiyey Baasabooradooda una diyaar garoobay Xajka.

0

Boqolal Xujey ah ayaa sanadkani ka baxaysa dalka Maraykanka, iyadoo la dareemayo diyaar garow xoogan, ilaa 2,00 oo Xujey ah ayaa isugu yimid Masaajidka Abuubakar Asadiiq ee ku yaala magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka, halkaasi oo loogu qeybiyey fiisooyinkooda.

Sheekh Cabdirisaaq Xaashi oo ka mid ah Culimada oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in tiro badan oo Soomaaliyeed ay maanta gacantooda ku heystaan baasabooradooda, isla markaana ay aadayaan Xajka si ay usoo gutaan Rukni weyn oo ka mid ah shanta Tiir ee Islaamka, wuxuuna warka intaasi ku daray in Xajka ay waajib ku tahay Qof walba oo awoodi kara, wuxuuna ugu baaqay Umdada Soomaaliyeed in ay ka faa’ideystaan fursadaha ay u heli karaan in ay soo xajiyaan

Sheekh Cabdiraxman Sheekh Cumar oo ah Imaamka Misaajidka Abuukar Asadiiq ayaa u mahad caliyey Maamulka iyo howl wadeenada Minahajj oo isku howlay in ay caawiyaan Xujeyda isla markana ay ku daraan Culimo horkacaysa si loo saxo sharuudaha Xujeyda laga doonayo, Wuxuuna intaasi ku daray in Xajka markiisa hore loo lugeyn jiray, balse hadda diyaarad loo raacayo, sidaasi darteed waxaa jira dad badan oo Soomaaliyeed oo awoodi karaan in ay soo xajiyaan balse ka gaabiyey wuxuuna ugu baaqay dadka awoodi kara in ay gaaraan xajka soona gutaan waajibka lagu leeyahay.

Cabdulaahi Xaaji Warsame oo ka mid ah howl wadeenada Minahajj ayaa sheegay in 200 oo Xujey ah ay u dhameeyeen howlahooda isla markaana ay ka ambabixi doonaan Garooka diyaaradaha ee Minneapolis, wuxuuna ku nuux nuuxsaday in shuruudaha Xajka loo baahan yahay in la barto si Xujeyda ay Xajkooda loo aqbalayo wuxuna warka intaasi ku daray in ay diyaariyeen Minahajj Culumo Soomaaliyeed oo horkici doonto Xujeyda.

Tiro ka badan saddex milyan oo Muslimiin ah, ayaa sanadkan la fillayaa inay Xajka taggaan, iyagoo ka imaanaya Daafaha adduunka Xajka waa rugni ka mid ah shanta tiir ee Islaamka.

MG_2203 MG_2204 MG_2208 MG_2225 MG_2266 MG_2270 MG_22101 MG_22121