DAAWO SAWIRADDA : Madaxweynaha Puntland Oo Booqday Dagmadda Galdogob Ee Gobolka Mudug.

0
Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo  ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 1-9-2015 siweyn loogu soo dhaweeyey deegaanada Dhagaxyacade, Beyra, Xera jaalle iyo Degmada Galdogob ee Gobalka Mudug.
Wefdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha oo isugu jira, Wasiiro , Xildhibaano, Waxgarad, maamulka Gobalka Mudug , Saraakiil katirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale ayaa ugu horeyn waxaa si habsami leh loogu soo dhaweeyey deegaanka Dhagaxyacade.
Cutub katirsan ciidanka Daraawiishta ee dawladda Puntland ayaa madaxweynuhu waxaa uu ka qaatay salaan sharaf, isagoona dadka deegaanka oo isugu jiray arday, haween, dhalinyaro , macalimiin iyo masuuliyiin kale uga mahadceliyey soo dhaweynta qiimaha leh ee ay u sameeyeen .
Deegaanka Xera jalle ayaa Madaxweynaha sidoo kale lagu soo dhaweeyey , waxaana soo dhaweyntiisa ka qeyb-qaatay Wasiiro , waxgarad, haween iyo dhalinyaro watay calamada Puntland , Soomaaliya iyo caleemo qoyan .
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa deegaanka xera jaalle waxaa uu xariga kajaray MCH caafimaad oo ay dawladdu ka hirgelisay , waxaana siweyn looga dareemaya isbadal horumarineed oo deegaankaasi uu ku talaabsaday mudadii uu hogaanka dalka hayey Madaxweynuhu.
Degmada Galdogob ayaa boqolaal dadweyne oo isugu jira rag iyo dumar , maamulka degmada iyo waxgarad si maqaamsare leh ugu soo dhaweeyey madaxweynaha iyo wefdiga uu hogaaminayo.
Markii uu gudaha u soo galay madaxweynuhu Degmada Galdogob waxaa uu dhagax dhigay guriga hooyinka , xarunta maamulka degmada , Garoonka kubadda cagta, waxaana uu xariga kajaray xarun cusub oo loo dhisay dadka qaba xanuunka dhimirka.
Ugu dambeyn waxaa uu madaxweyne Gaas kormeeray kastamka Tur-dibi , halkaas oo xarumaha dawladda ee halkaasi laga dhisayo ay marayaan heer gebo-gebo ah , dhawaana la filayo in si rasmi ah uu u howl-galo kastamkaasi.
DAAWO SAWIRADA:
IMG_2591 IMG_2608 IMG_2611 IMG_2614 IMG_2615 IMG_2623 IMG_2626 IMG_2633 IMG_2635 IMG_2636 IMG_2644 IMG_2647 IMG_2650 IMG_2654 IMG_2655 IMG_2657 IMG_2664 IMG_2686 IMG_2695 IMG_2697 IMG_2707 IMG_2738 IMG_2746 IMG_2747 IMG_2748 IMG_2752 IMG_2757 IMG_2764 IMG_2778 IMG_2783 IMG_2794 IMG_2800 IMG_2805 IMG_2822 IMG_2836 IMG_2842 IMG_2844 IMG_2849 IMG_2866 IMG_2878 IMG_2885 IMG_2890 IMG_2891 IMG_2900 IMG_2902 IMG_2910 IMG_2913 IMG_2915 IMG_2917 IMG_2918 IMG_2920 IMG_2922 IMG_2924 IMG_2928 IMG_2933 IMG_2936 IMG_2956 IMG_2961 IMG_2962 IMG_2964 IMG_2969 IMG_2975 IMG_2978 IMG_2992 IMG_2998 IMG_3003 IMG_3013 IMG_3017 IMG_3020 IMG_3031 IMG_3036 IMG_3037 IMG_3038 IMG_3039 IMG_3043