DEG DEG: Weerar Ismiidaamin oo Janaale ka dhacay iyo Xoogag Shabaab ka tirsan oo galay Xerada ciidanka Amisom ee Janaale

0

Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday Xero ciidanka Amisom ay ku leeyihiin Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha hoose, waxa ayna gudaha u galeen Xeradaasi.

Weerar Ismiidaamin ah ayaa lagu galay afaafka hore ee Xerada, kadib markii albaabka lagu dhuftay gaari uu ka xeynaayay Nin isa soo miidaamiyay, waxaana intaasi kadib Xerada galay ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Saldhigan ciidamada Amisom ay degan yihiin, wuxuu ku yaalla meel ku dhaw Buundada Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha hoose, waxaana ka dhacay dagaal culus oo ciidamada Shabaabka iyo kuwa Amisom Xerada gudaheeda ku dhexmaray, inkastoo aanan la ogeyn cida haatan maamulaysa gacan ku haynta Xeradaasi.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha hoose dhanka Maaliyada C/fataax Xaaji Cabdulle, ayaa sheegay weerarka inuu ku biloowday Ismiidaamin, kadibna uu xigay dagaal culus oo ciidamada Amisom iyo kuwa Shabaabka dhexmaray, isaga oo sheegay inuusan garan karin Xerada hada cida maamulaysa.

Weerarkaan wuxuu dhacay saaka aroortii qaab ahaan wuxuu u eeg yahay weerarkaan weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen Xeradii ay ku sugnaayeen ciidamada Burundi deegaanka Leego, halkaasi waxa ay Shabaabka ku dileen ciidamo Burundi oo gaaraya 70 Askari.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose C/fataax Xaaji Cabdulle, ayaa sheegay guud ahaan Magaalada Janaale inay ku sugan yihiin Xoogaga Al Shabaab, Saraakiisha ciidanka ee halkaasi ku sugnaa inaysan war ka haynin, sidoo kalena taleefoonadooda aysan shaqeynayn.

Al Shabaab ayaa Baraha Internet-ka ay wararka ku qoraan waxa ay ku sheegeen inay la wareegeen gacan ku haynta Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha hoose, kadib markii weerar culus ay ku galeen Saldhiga ciidamada Amisom ee Janaale.

Lama oga inta uu la eeg yahay khasaaraha ka dhashay weerarka culus ee saaka Ururka Al Shabaab ay ku qaadeen Magaalada Janaale iyo Xerada ciidamada Amisom ay Magaaladaasi ka degan yihiin.