DHAGEYSO : Taliska AMISOM oo ka hadlay Weerarkii Al Shabaab ee Saldhiga Janaale ee Gobolka Sh/Hoose.

0

Taliska Ciidamda Midowga Afrika ee AMISOM ayaa qoraal ka soo baxay waxaa ay uga hadleen Weerarkii Dagaal yahanada Ururka Al Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Militariga ee AMISOM gaar ahaa kuwa Uganda.

AMISOM ayaa sheegtay in uu jiro khasaaro xoogan oo ka dhashay Weerarkaasi ay soo qaadeen Ururka Al Shabaab waxaana sidoo kale ay qeexeen in Ciidamadooda ay faarujiyeen Saldhiga Militariga Janaale inta uu socday Weerarkaasi.

“Weerarkan waxuu mid qorsheysan oo ay soo qaadeen Al Shabaab balse waan isaga baxay Saldhiga oo idil anagoo isticmaaleyna Xeelad militari” sidaasi waxaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska AMISOM.

Weerarkan lagu qaaday Saldhiga Ciidamada AMISOM ee Degaanka Janaale ayaa la shegayaa in ay ku dhinteen in ka badan 50 Askari ka tirsanaa Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Qoraalka ka soo baxay AMISOM ilaa iyo hada laguma sheegin khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee soo gaaray Ciidamadooda kuwaasi oo lagu weeraray Saldhig ay ku leeyihiin Degaanka Janaale ee Gobolka Sh.Hoose.

Ergayga gaar ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya, Danjire Maman Sidikou ayaa cambaareeyay Weerarkaasi waxaana ku tilmaamay in uu ahaa mid argagixiso.

“Ciidamada nooga dhintay Weerarkaasi waa kuwa dhintay iyagoo caabinaya Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed waxaana kuwa sharaf iyo qiimo intuba nada mudan” ayuu yiri, Madaxa Ciidamada AMISOM, Danjire Maman Sidikou

Ugu dambeyn, Waxuu sheegay Danjire Maman Sidikou in uu tacsi u dirayo Shacabka iyo Dowladda Uganda Ciidamada uga dhintay Weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen Saldhigooda Degaanka Janaale ee Gobolka Sh.Hoose.