DHAGEYSO WAREYSI : Faah Faahin: weerarkii deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

0

Weerarkaan oo abaaro Salaaddii Subax kadib ka dhacay Saldhig Ciidamada AMISOM ay ku lahaayeen Deegaan Lagu Magacaabo Dagwariiri oo 2 km kaga beegan dhinaca galbeed deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa fuliyay dagaalamayaal katirsan dhaq dhaqaaqa Al Shabaab.

Sida ilo deegaanka ah ay noogu warrameen weerarka ayaa ku billaabmay Qarax Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay kaas oo jabiyay Albaabka hore ee xerada sida dadka noo xog warramaya ay noo sheegeen oo diiday in Magacooda iyo codkooda loo adeegsado Warbaahinta.

Intaas kadib ayaa la sheegay in dagaalamayaal tiradooda ay gaareyso ku dhawaad 100 dagaalyahan oo aad u hubeysan ay u daateen Xerada, waxaana halkaas ka dhacay dagaal aad u culus oo qiyaastii muddo saacad ah ka socday Saldhigaasi gudihiisa , iyadoona mudadaasi saacadda ah marna aanu kala joogsan xabadda daryankeeda.

Goob Joogayaal ku sugnaa deegaanka oo Shabelle ay ,la xiriirtay ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ee weerarka lagula qaaday Saldhiga Dagwariiri ay isaga huleeleen halkaasi ayna Al Shabaab qabsadeen meesha.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Al Shabaab markii ay la wareegeen xerada ay ku fasaxeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanka , kuwaas oo lagu amray in kaliya ay xerada gudaheeda ka qaadan karaan raashinka balse Hubka aysan u dhawaan.

Al Shabaab oo bartooda Twitter-ka uga hadlay weerarka ay ku qaadeen Saldhiga AMISOM ee Dagwariiri ayaa sheegay in ku dhawaad 80 Ciidamada AMISOM ka tirsanaa ay ku dileen weerarkooda.

Sidoo kale Al Shabaab ayaa sheegay in weerarkaan ay ugu aargudayeen shacab ay sheegeen in Ciidamada AMISOM ay ku laayeen Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Hayeeshee Taliska Ciidamada AMISOM oo ka hadlay weerarka ayaa beeniyay wararka sheegaya in lala wareegay xerada islamarkaana hub laga qaatay xaruntaasi.

Laakiin qaar dadka deegaanka ah ee la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay arkayeen Al Shabaab oo gawaaridooda ku raranaya saanado hub oo yiilay xerada iyo meydad Ciidamada AMISOM halkaas ay uga tageen.

Dhinaciisa Guddoomiye  Ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Hoose ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdifitax Xaaji Cabdulle ayaa xaqiijiyay la wareegista xerada Ciidamada  AMISOM ay ku lahaayeen Deegaanka Dagwariiri ee u dhow Janaale islamarkana Boob ay halkaasi ka sameeyeen Al Shabaab iyo shacabka deegaanka.

Weerarkaan ayaa lagu soo beegay 1 September oo sanad ka hor xilligaan oo kale la qaarijiyay Hoggaamiyihii Al Shabaab Axmed Cabdi Godane ee Al Shabaab ugu yeeri jireen Abuu Zubeyr  kaas oo diyaarad nuuca aanu  cidina wadin ku weerartay inta u dhexeysa deegaanada Sablaale iyo Dhaay Tubaako oo u dhaw Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarkii saaka ayaa Shaabahay kii 26.Jun. 2015 Dagaalamayaal Al Shabaab ka tirsan ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada AMISOM ku lahaayeen deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose kaas oo Al Shabaab ay sheegeen in ay ku dileen isla cadada hadda ay sheegteen in ay weerarka maanta  ku dileen,walow Burundi 50 ka mid ah Ciidamadooda in ay ku dhinteen weerarkaasi qirteen.

Warar ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ee Nawaaxiga Janaale saaka lagu weeraray ay ka soo jeedaan Jinsiyad ahaan Uganda, halka kuwii Leego lagu weeraray ee isla Shabeelaha Hoose ay u dhasheen waddanka Burundi

Weerarka Al Shabaab ayaa imaanaya xilli Howl gallo loogu Magac daray wadada Jubba ay ka socdeen deegaanno ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya kuwaas oo loogu Magac daray wadada Jubba , howlgalladaas oo Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo iskaashanaya ay sheegeen in ay ku doonayaan in ay kula wareegaan meelaha weli gacan heynta Al Shabaab ku harsan.