DHAGEYSO WAREYSI : Mashaariic horumarineed oo laga fulinayo degmada Baraawe ee Shabeelaha hoose.

0

Guddoomiyaha Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose Xuseen Barre Max’ed Jeex ayaa faah faahin ka bixiyay qorsho dhawaan lagu doonayo in degmadaas looga hirgeliyo mashaariic kala duwan.

Mr Jeex ayaa ku nuux nuuxsaday in meelaha ugu waaweyn ee Mashaariicda laga fulin doono ay ka mid noqon doonto Bank-ga degmada Baraawe , xarunta degmadaasi iyo goob kale oo Muhiim ah sida uu hadalka u dhigay.

Xuseen Barre ayaa tilmaamay in Mashaariicdaan ay yihiin kuwa ay ka caawin doonaan Dowladda Federaalka Soomaaliya , Maamulka Koofur Galbeed iyo dowlado Caalami ah.

Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ah magaalo Xeebeed in muddo ah aan dib u dayactir lagu sameynin xarumaheeda dowliga ah iyo goobaha adeega bulshada sida Caafimaadka iyo waxbarashada , waxaana muddooyinkii dambe ku sugnaa Al Shabaab walow halkaas laga saaray haatan ay ku sugan yihiin Ciidamada Huwanta ah ee Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.