Dhaq dhaqaaqii Degmooyinka Janaale iyo Qoryooley oo go’an+Warbixin Gaar Ah.

0

Waxaa yaraaday dhaq dhaqaaqii dadka iyo gaadiidka ee Degmooyinka Janaale & Qoryooley Ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo uu culeys badan soo wajahay shacabka ku dhaqay Degmooyinkaasi.

Tani, ayaa timid markii Xoogaga Ururka Al Shabaab ay Talaadadii shalay burburiyen buundooyinkii isku xiri jiray qaybaha kala gedisan ee Degmooyinkaasi. Janaale & Qoryooley waxaa dhex mara Webiga Shabelle, iyadoona ay dadku isaga kala gooshi jireen labadii buundo ee ku taalay.

Ururka Al Shabaab, ayaa qaraxyo ku burburiyay buundooyinkaasi, intii uu socday weerarkii ay ku galeen Xerada Ciidamada Amisom, si aynaan isugu gurman Ciidamada Midowga Afrika Somaliya.

Caasha Muumin Amiin oo ka mid ah dadka reer Janaale, ayaa sheegtay in culeys weyn uu kaga yimid burburka ku yimid buundada.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Janaale, Gaabow Buule, ayaa dhinaciisa xaqiijiyay in shacabka reer Qoryooley ay wajahayan xaalad adag, ka dib markii Ururka Al Shabaab uu jaray buundadii xiriirin jirtay labada qaybood ee Degmada.

Weerarkan, ayaa ahaa mid si weyn loo soo qorsheeyay, waxyeelo buurana lagu gaarsiiyay Ciidamada Uganda, ee qaybta ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab, Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa ku faanay in weerarkaasi ay ku dileen 70 ka mid ah Ciidamada Uganda, isla-markaana uu weerarku ahaa mid loogu aargudaayay dadkii ay ku dileen Magaalada Marka.