FAAH FAAHIN : Dab ka kacay xalay Guryo ku yaalla Deegaanka Halgan

0

Wararka aan ka heleyno deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa ku soo warramaya in xalay labo guri oo ku taalla deegaankaasi uu dab qabsaday.

Guryaha dabka uu ka kacay oo aan la ogeyn sababta ka dambeysay ee dabkaasi uu ka dhashay ayaa waxaa horay u degenaa saraakiil ka tirsan Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa mararka qaar guryaha xubnahooda degan yihiin waxaa kula kacda qaraxyo miinooyin ah ee ay ku diyaarinayaan.

Dabkaas xoogan ayaa waxaa uu ku soo begmayaa maalin kadib markii Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ay dib ula wareegeen deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.