FAAH FAAHIN : Taliska Amisom oo ka hadlay weerarkii maanta lagu qaaday Xerada Amisom ee Degmada Janaale+WARBIXIN.

0

Taliska Midowga Afrika Amisom, ayaa qirtay in maanta lagala wareegay gacan ku haynta Xeradoodii Degmada Janaale, ka dib hujuum xoogan oo kaga yimid dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab.

War Saxaafadeed uu soo saaray Taliska Amisom, ayaa ujeedada ay Ciidamadooda uga baxeen Xeradaasi waxay ku sheegeen qaraxyo iyo madaafiic culus, oo Shabaabku ku garaaceen Xeradaasi.

War Saxaafadeedka, ayaa waxaa si xoogan loogu cambaareeyay weerarkaasi oo sida la rumeysan yahay uu khasaaro buuran ka soo gaaray Ciidamada Uganda, ee qaybta ka ah Xoogaga Amisom.

Amisom, ayaa ammaan huwisay Ciidamadii Uganda ee dagaalka adag la galay Xoogaga Ururka Al Shabaab, waxaana lagu sheegay kuwo geesiyaal ah inay yihiin.

Sidoo kale War Saxaafadeedka, ayaa lagu sheegay in Xoogaga Amisom ay dib ugu laabten Xerada, isla-markaana ay xilligan si buuxdo gacanta ugu hayaan Xeradaasi, saacado ka dib markii ay Shabaabku kala wareegen.

War Saxaafadeedka loogama hadlin khasaaraha Ciidamada Uganda ka soo gaaray weerarkaasi. Shabaabku waxay sheegteen inay ku dileen 70 ka mid ah Xoogaga Uganda ee Amisom ka tirsan.

Sheekh C/casiis Abuu Muscab, Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab, ayaa sheegay weerarkaasi inuu ahaa mid loogu aargudaayay shacabkii, ay dhawaan Ciidamada Uganda ku dileen Magaalada Marka.

Marka laga soo taggo askartii Amisom ee weerarkaasi lagu dilay, ayaa waxaa kaloo jira tiro kale oo nolol iyo geeriba lagu la’yahay, kuwaa oo loo maleynaayo inay Ururka Al Shabaab gacanta ku dhigeen.

Abuu Muscab, ayaa sheegay inay jiraan askar ka tirsan Amisom oo duurka ku firxaday, intii uu saakay dagaalka ka soconaaya Xerada Amisom ku lee dahay Degmada Janaale.