Kay oo cambaareeyay weerar lagu qaaday xarun AMISOM ay ku lahaayeen Janaale

0

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholas Kay, ayaa si kulul u cambaareeyay weerar Al-Shabaab ay ku qaadeen xarun ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay ku lahaayeen degmada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkasi oo ay ciidamadu dib u qabsadeen.

“Waxaan tacsi u dirayaa ehelada kuwii naftooda ku waayay weerarkii lagu qaaday xarunta ciidanka AMISOM, waana cambaareyneynaa falkaasi,” ayuu yiri Danjire Kay oo sidoo kale tacsi u diray dowladda Uganda ee ay ka socdeen ciidankaasi naftooda ku waayay difaaca iyo xasilinta Soomaaliya”.

“Qaramada Midoobay waxa ay sii wadaysaa taageerada ay siineyso Soomaaliya, waxaana naga go’an in aan xoojino taageerada aan sidoo kale siineyno ciidamada AMISOM, si loo soo celiyo xasiloonidii iyo kala dambeyntii ka jirtay guud ahaan dalka, oo laga cirib tiro maleeshiyada argagixisada ah ee Al-Shabaab” ayuu Nicholas Kay hadalkiisa ku daray kadib war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa.