LIVE NEWS : Wadooyinka Madaxtooyada ku dhaw oo saaka si weyn amnigooda loo adkeeyay+SABAB.

0

Wadooyinka soo gala Xarunta Madaxtooyada Somalia, ayaa saaka si weyn loo adkeeyay amnigooda, waxaana lasoo dhigay ciidamo badan oo kuwa Koofi gaduuda, ciidankaan waxa ay qaabilsan yihiin ammaanka Xarunta Madaxtooyada.

Gabi ahaanba waxaa xiran wadooyinka ku dhaw Madaxtooyada Somalia oo loo diidaayo inay maraan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay, marka laga reebo baabuurta ay wataan ciidamada Dowladda iyo masuuliyiinta.

Wadada horumarta Xarunta Madaxtooyada oo shacabka ay isticmaalaan ayaa saaka xiran ma jirto gaadiid dadweyne oo maraayo halkaasi.

Lama oga sababta ka dambeysay amniga aaga Madaxtooyada in sidaan loo adkeeyo, hayeeshe arintaan ayaa ku soo aadeysa xilli Ururka Al Shabaab shalay weerar culus ay ku qaadeen Magaalada Janaale ee Gobolka Shabeellaha hoose oo ay ku dileen Askar badan oo Amisom ka tirsan.

Ciidanka Ilaalada Mdaxtooyada ee Koofi Gaduuda, ayaa ku jira feejignaan buuxda, waxaana ay ku sugan yihiin ilaa aaga Umbulutooriyada, iyo sidoo kale nawaaxiga Hoteelka S.Y.L oo Madaxtooyada kasoo horjeeda.

Shacabka reer Muqdisho ayaa dhibaato weyn ku qaba wadada Sayidka ee Magaalada Muqdisho oo noqotay wado dhibaato badan, maalin walibana ciidamada ay xiraan, intaasi waxaa dheer ciidamada oo si anshax la’aan ah dadka ula dhaqma qorigana ku baacsada.

Dowladda Somalia ayaa xilligan muujinaysa dareen dhanka ammaanka ku saabsan, xilli shalay ay ku beegneyd sanad guuradii koowad ee kasoo wareegatay markii la dilay Hogaamiyihii Ururka Al Shabaab Axmed Godane.