LIVE : Xaalad daganaansho ayaa Saakay Laga Dareemayaa Degmada janaale ee Gobolka shabeelaha Hoose.

0

Xaalad daganaansho ayaa saakay laga dareemayaa degmada Janaale ee Gobolka shabeelaha Hoose kadib dagaal ka dhacay aroornimadii shalay deegankaas

Dadka deeganka Degmada Janaale aynu saakay la xiriirnay ayaa inoo sheegay in uu xaalka yahay mid aad u dagan saldhigyadii shalay la wareerayna ay saakay ku sugan Yihiin ciidamada midowga Africa ee amisom

Ciidamada Al-shabaab oo saacado ku suganaa ku sugan saldhigayada degmada Janaale ayaa Galinkii dambe ee shalay ka baxay kadib dagaalo saacado qaatay oo dhacay

Ciidamada amisom oo dagaalka ka Hadlay ayaa sheegay in aysan qasaaro soo Gaarin ciidamadooda ayna wali sugan yihiin xarumihii ay Horey u joogeen ee Degmada Janaale

shabaab oo dhankiisa ka Hadlay dagaalada ayaa sheegay In Guulo ay ka gaareen dagalaadii ka dhacay degmada Janaale ayna dileen in ka badan 50-askari oo ka Tirsan ciidamada Uganda