Maxaa sabab u ah dib u dhaca ku yimid shirkii maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe ?

0

Shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa qorshihii ay ugu talogashay Dowlada Federalka uu noqday mid aan suurta-gelin, kadib markii tallaabada koowaad ee ambaqaadka howlaha shirka maamul u sameynta uunoqday mid caqabado uu la kowsaday.

Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa maalintii shalay aheyd ku dhawaaqday in dib u dhac uu ku yimid shirka sababo aan la sheegin, isla markaana uusan qabsoomi karin waqtigii loo qorsheeyay ee ahaa 1-da September oo maanta ku beegan.

Dib u dhaca shirka ayaa loo sababeynayaa qodobo is-biirsaday oo saameyn ku yeeshay habsami u socodka howlihii shirka loogu gogol xaarayay, waxaana ay sababtay muddo ku dhow bil uu wax horukac ah sameyn waayo qorshaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe, kadib heshiiskii lagu saxiixayay maamulka labada gobol ee dhacay 7-dii bishii hore ee Agosto.

Sababta ugu horeysa ee loo aaneynayo inuu shirku uu fadhiid noqdo ayaa ah, iyadoo lagu heshiin waayay xubnaha guddiga farsamada ee maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Guddiga Farsamada oo ahayd inuu howshiisa bilaabo 15-ka bisha Agosto ayaanay suurta galin, kadib markii lagu heshiin waayay qaabka loo qeybsanayo xubnaha guddiga oo ka koobnaa 31 xubnood, sida horay Wasaaradda Arrimaha gudaha shaxdeeda ku soo bandhigtay.

Caqabada kale ee shirka hareysay waxaa ka mid ahaa mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana taasi ay sababtay xubnihii Wasiirada ahaa ee heshiiska saxiixay inay ku mashquulaan arrimaha mooshinkaas iyo ololihii looga hortagi lahaa.

Labada gobol ayaa waxaa degan beelo faro badan, kuwaasoo beel walba ay siyaasiyiinteeda iyo xildhibaanadeeda ay ku doodeen in uu mid walba helo saami weyn.

Sidoo kale waxaa suura gal noqon weyday in la helo qaab loo qeybsado guddiga farsamada, waxaana xubnaha wasiirada iyo guddoomiyeyaasha labada gobol ee shirka wada tashiga u socday ay ku doodeen in qaab beeleed loo qeybsado, halka kuwo kalana ay ku taliyeen in loo qeybsado xubnahan qaab deegaan.

Waxaa kaloo Caqabadaha shirka ka horyimid ka mid ah in beelaha qaarkood labada gobolba qeybo ka mid ah ay degaan, waxaana beelahaas ku adkaatay dhinaca ay raacayaan oo saami ay ka helayaan.

Labada maamul ee ay dowlada magacowday ayaa mid walba waxa uu bilaabay diyaar garow ku saabsan goobta lagu qabanayo shirka, waxaana laga dareemayay magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne diyaargarow ah martigelinta shirka.

Labada magaalo ayaa waxaa laga furay hoteelo cusub waxaa laga dhisay hoolal waaweyn oo la doonayo in shirka uu ka dhaco balse illaa iyo haatan ma muuqato magaalo la isku raacay in shirka uu ka dhaco.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdfatax Xasan Afrax ayaa sheegay in shirka lagu qaban doono magaalada Beledweyne, halka uu guddoomiyaha gobolka Sh/Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen uu ka sheegay madashii lagu saxiixayay maamul u sameynta labada gobol in guddoomiye gobolka Hiiraan uu ku fududaaday inuu sheegto in shirka lagu qabanayo Beledweyne.

Howlaha maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe ee hakadka galay ayaanay jirin siyaasiyiin awood badan leh oo ka horyimid qorshaha shirka, balse waxaa hooseysa muhiimada ay dowladu siisay maamul u sameynta labada gobol, marka lala barbar dhigo sida ay dowladdu culeyska u saartay maamul u sameyntii gobolada dhexe ee dalka.

Qaar ka mid ah dadka ku nool gobolka Hiiraan gaar ahaan qurbo-joogta ayaa ka soo horjeeda maamulka labada gobol, iyagoo aaminsan in Hiiraan uu u dhigmo labo gobol ayna tahay in maamul goboleed gaar ah loo sameeyo.

Qurbojoogta iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta gobolka Hiiraan ayaa dhowaan soo saaray war saxaafadeed ay ku diidan yihiin in lala midoobo gobolka Sh/dhexe, iyadoo arrintaas ay ka duulayaan ayaa waxaa magaalada Beledweyne soo gaaray shalay qaar kamid ah qurbojoogta reer Hiiraan oo uu hogaaminayo Guddoomiyahooda Tawane Sabriye Fiidse.

Tawane ayaa ka bilaabay dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo uu ku doonayo in loo helo taageero mowqifka ah in Hiiraan ay maamul gaar ah samaysato.

Gobolka Sh/dhexe ayaa ah mid siyaasadiisu degan tahay oo mideysan, iyadoo Guddoomiyaha Gobolka Cali Guudlaawe uu cadeeyay in shacabka Gobolka ay wakiisheen, taladoodana uu ku socdo, isla markaana uu keligiis go’aan iska gaari karin, taas ayaana loo arkayay mid laab qaboojisay shacabka Gobolka.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la saadaalin karin sida uu noqonayo maamulka gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo haatan dib u dhac uu ku yimid qabashada shirkiisa.