TOP : Al Shabaab oo gooyay Buundada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Wararka kale ee aan ka heleyno Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya in Al Shabaab ay jareen Buundada marta deegaanka Qoryooleey.

Al Shabaab ayaa Buundada jaray kadib markii Miino ay ku qarxiyeen, iyadoo aan la ogeyn sababta ay u jareen buundadaasi.

Hayeeshee waxa ay ka dambeysay kadib weerarkii Janaale xero AMISOM ay ku lahaayeen ay kula kowsadeen Al Shabaab.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay uga hortagayeen jarista Buundada in aysan helin Ciidamada AMISOM ee la weeraray wax gurmad ah.