TOP DHAGEYSO : Dadka Shacabka Ah Ee Gobolka Gedo Oo Ka Hadlay Dilal Ay geysteen maleeshiyadda Axmed Madoobe.

0

Laba habeen ka hor, ayaa xabsiga Dooloow ee gobolka Gedo lagala baxay afar qof, oo mid ay tahay dumar, kuwaasi oo kadib la dilay.

Maamulka Dooloow oo VOA la hadlay, waxay sheegeen in dadkaasi ay ahaayeen saddex qof, oo aysan jirin wax dumar ah, islamarkaana ay xiriir la lahaayeen Al-Shabaab.

Haddaba, Deerow Cabdulle Casuus, oo jooga deegaanka Geedweyne ee gobolka Gedo, oo VOA-da la hadlay, ayaa sheegay inuu dhalay mid ka mid ah ragga la dilay, oo uu magaciisa ku sheegay Aadan Deerow, laba kalena uu adeer iyo awoowe u ahaa.

Waxa uu beeniyey inay wax xiriir ah la lahaayeen Al-Shabaab, waxa uuna sheegay in lagu dilay gardarro iyo caddaalad darro.

Dilalkaas ayaa waxaa ka danbeeyay Axmed madoobe Oo Ah Hogaamiyaha Maleeshiyadda Raaskanbooni Axmed Madoobe Oo Baneystay Dilalka iyo Leynta dadka shacabka ah.

HOOS KA DHAGEYSO: