TOP DHAGEYSO : Howl gallo rag Al Shabaab ah lagu qabtay oo laga sameeyay Dagmadda Diinsoor Ee Gobolka Baay.

0

Wararka aan ka heleyno Magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa ku soo warramaya in How gallo laga sameeyay deegaanno hoostaga halkaas lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed Cabdullaahi Sheekh Max’ed ayaa sheegay in dagaalamayaal Al Shabaab ah ay gacanta ku dhigeen.

Intii ay howl gallada socdeen ayaa dhinaca kale taliyuhu sheegayb in deegaanada qaar ay dagaallo kala kulmeen Al Shabaab walow sida isagu sheegay ay khasaaro gaarsiiyeen Al Shabaab.

Magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa ka mid ah meelihii ugu dambeeyay ee gacan ku heynta Al Shabaab lagala wareegay.