TOP DHAGEYSO : Maamulka Shabeelaha Hoose oo sheegay in aysan wax ka qaban karin weerarada Al Shabaab.

0

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga ee Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ahna ku simaha Guddoomiyaha maamulkaas Cali Nuur Max’ed ayaa sheegay in aysan waxba ka qaban karin arrinta la xiriirta falalka ammaan darri ee Al Shabaab ka geystaan gudaha Gobolkaasi.

Cali Nuur Max’ed ayaa tilmaamay in Madaxda sare ee dowladda looga baahan yahay, go’aan cad ee wax looga qabto , dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ee weli ka dagaalamaya deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose isagoo dhanka kale xusay in ay socdaan qorsho la doonayo in wax looga qabto amni darrida ka taagan Gobolkaasi.

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka ee maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku baaqay in la sii xoojiyo howl gallada milatari ee ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab.

Hadalka Ku simaha Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Cali Nuur Max’ed ayaa waxa uu imaanayaa xilli dhaq dhaqaaqa Al Shabaab aroornimadii shalay weerar ku qaadeen Saldhig milatari ee ay AMISOM ku leeyihiin Duleedka deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose kaas oo ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

HOOS KA DHAGEYSO: