TOP DHAGEYSO : Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo Eedeysanayaal xukuntay.

0

Xukunnadaan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay maanta riday ayaa waxaa lagu kala riday eedeysanayaal kala duwan oo illaa 4 ruux gaaraya kuwaas oo ay sheegtay Maxkamaddu in ay geysteen dambiyo kala duwan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yaroow oo Warbahinta u aqriyay Xukunnada ayaa sheegay in mid ka mid ah raggaasi lagu xukumay 10 sano oo xariga ah halka 2 kale min 6 bilood oo xariga ah lagu riday iyadoo kan kalana lagu waayay wax dambi ah lana sii daayay.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa aalaaba xukunno ku riday Ciidamada ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya falalka dambiga ah geysta, dadka hubka ax ku dhibaateeya iyo Maxaabiista Al Shabaab laga qabto.

HOOS KA DHAGEYSO: