TOP DHAGEYSO : Qaramda Midoobay oo si kulul u cambaareesay Weerarkii lagu qaaday Saldhiga AMISOM ee Degaanka Janaale.

0

Ergayga gaark ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, Danjire Nicholas Kay ayaa si kulul u cambaareeyay Weerar Cuslaa ee lagu qaaday Saldhiga Militariga ee Ciidamada Midowga Afrike ee AMISOM ee Degaanka Janaale ee Gobolka Sh.Hoose.

Danjire Nicholas Kay ayaa u tacsi u diray ehalada iyo Asxaabta ay ka geeriyoodeen Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ee lagu Dilay Weerarka Ururka Al Shabaab ay ku qaadeen Saldhigooda oo ku yaala Degaanaka Janaale.

“Waxan ugu tacsiyeenayaan Dowladda Uganda Ciidamada looga Dilay Weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Militariga ee Ciidamada AMISOM ay ku leeyiin Degaanka Janaale” sidaasi ayuu yiri Danjire Kay.

“Waxaan ku boorinayaan Ciidamada Nabad Ilaalada ee Midowga Afrika ee AMISOM in ay sii wadaan dadaalada ay ku doonayaan in Nabad iyo Xasilooni ay ugu soo dabaalaan Dalka Soomaaliya” qoraalka ka soo baxay Xafiiska Ambaasdoor Nicholas Kay ayaa sidan lagu yiri.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Qarmada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada ay la garab istaagan tahay Dowladda Soomaaliya waxuuna sheegay in Weerarka Al Shabaab uusan waxba ka badali doonin horumarada ay hiigsaneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.