TOP DHAGEYSO:- Sheekh Shaakir”waa Ceeb in Maamul Dhisan mid kale loo dumiyo”

0

Shiikh Maxamed Shaakir oo ah Madaxweyanaha Ahlu-Sunadda ka talisa Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gurceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu sheegay  in uu kasoo horjeedo Maamulka loo sameynayo Goboladda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Sheikh Maxamed Shaakir ayaa waxaa uu tilmaamay in Gobolka Hiiraan uu kamid yahay Goboladda uu Maamulkiisa ka jiro sida uu hadalka u dhigay in Maamul kalana loo sameeyo aanan loo baahneyn, waxaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay arrintan iyadu Beesha Caalamka lacagu uga raadsaneyso wax laga xumaado ayuu u sheegay in Maamul dhisan Maamul kale laga kordhiso.

Madaxweyanaha Sheekh Shaakir ayaa Beeneyey in wax wada hadal ah ay lageen Dowlad Goboleedka Galmud taas badalkeedana waxaa uu sheegay in Maamulka uu madaxweyanaha ka yahay ay ku mideysan yihiin Maamuladdi hore ee Ximan iyo Xeeb, Galmudug iyo Ahlu-Sunna.

Maamulka uu Madaxweyanah ka yahay Sh Maxmed Shaakir ayaa hadda waxaa uu ka taliyaa qeybo kamidda Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya waxaa dhowr oo hore jeer ay iska diideen in ay wax wada hadal ah Galaan.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka