TOP DHAGEYSO WAREYSI : Xildhibaan Abuubakar Ibraahim Oo Ka Hadlay Mooshinkii Ka socday muqdisho.

0

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa Guddoonka baarlamanka u gudbiyey mooshin ay sheegeen inay kaga soo horjeedaan mooshin hore oo ay gudbiyeen 93 xildhibaan oo ka dhan ahaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaanada mooshinka gudbiyey, ayaa ku doodaya in mooshinkii hore uu yahay mid aan sharci ahayn, islamarkaana eedeymaha ka dhanka ah madaxweynaha aan caddeymo loo hayn.

Xildhibaannadaas, ayaa waxaa ka mid ah xildhibaan Abuubakar Ibraahim Cali. Axmed Cali Sheekh ayaa wax ka weydiiyey sababta iyo shirciyadda mooshinkan cusub.