TOP DHAGEYSO : Wasiirka Ganacsiga oo ka warbixiyay safar uu ugu ambabaxay Talyaaniga.

0

Wasiirka Ganacsiga XukuumaddaSoomaaliya Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan oo Warfidiyeenada kula hadlay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay socdaal ay ku aadayeen isaga iyo wafdi uu hoggaaminayay dalka Talyaaniga isagoo tilmaamay in u jeedka socdaalkoodu yahay in dalkaas ay kaga qeyb galaan Bandhig Carweed 5tii sano mar ka dhacay dalka Italy islamarkaana ay horudhac u hyihiin Masuuliyiin ka tirsan DF oo 3-da Bishaan ka qeyb geli doono Bandhig Carweedkaas.

Mr Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan ayaa xusay in  kulamo la qaadan doonaan , maal gashtayaasha Caalamiga ah iyo qaar ka mid ah Masuuliyiinta dalkaasi si ay kaga wada hadlaan horumar dhanka Ganacsiga oo sida uu sheegay ay horay u qaaday  Wasaaraddiisa.

DOwladda Soomaaliya ayaa indhawaanahaan sheegeysay in ay wado dadaallo ku aadan dib u dhiska dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka iyadoo la kaashaneysa dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya.

HOOS KA DHAGEYSO: