TOP DHAGEYSO : Xildhibaan Dalxa ” Mooshinka Ka Dhanka Ah Madaxweynaha Khilaaf Ayuu Ka dhex abuuray Xildhibaanada”

0

Xildhibaan Max’ed Cumar Dalxa ayaa sheegay in Khilaaf xoogan uu hareeyay Baarlamaanka Federaalka.

Mudane Dalxa ayaa tilmaamay in mooshinno is diidan ay xildhibaanadu u kala gudbiyeen Guddoonka Baarlamaanka , isagoo xildhibaanada ku booriyay in aysan waqtiga isaga qaadin siyaasado adag sida uu hadalka u dhigay.

“ waxaan waayo joog u ahaa xilliyadii KMG in uusan Baarlamaanku shaqeynin , haddii aan laga soo laaban wadada iminka Xildhibaanadu ku socdaan waxa ay keeni doontaa Baarlamaanka howlihiisa oo istaaga” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Dalxa.

Horay ayaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka waxa ay Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha u gudbiyeen Shir guddoonka Baarlamaanka , iyadoo mooshin lagu laalayo kii laga ka dhanka ahaa Madaxweynaha iyana Xildhibaanno kale ay maalin ka hor gudbiyeen kaas oo ku soo beegmay xilli Madaxweyaha safar uu ku aaday Imaaraatka Carabta uu dib uga soo noqday.

HOOS KA DHAGEYSO: