TOP DHAGEYSO : Xildhibaano Uu Gaar Ula Kulmay madaxweyne Xasan Oo War Cusub Soo Saaray+Mooshinkii Oo….

0

Xilibaanada Soojeedinta Gudbiyay oo Tiradoodu Gaaray 125 mudane ayaa Ciwaan uga Dhigay “Soo Jeedin Laalis Mooshinka iyo Eedeymaha Aan Sharciga waafaqsaneyn ee ka soo Horjeeda M.weyne Xasan Sheikh

Xilibaan C/laahi Abshiroow Saxaafadda Soo gaarsiiyay nuqul kamid ah Soojeedintaasi ay u gudbiyeen Guddoonka Baarlamaanka wuxuunna sheegay in ay diidanyihiin mooshinka laga keenay m.weyne Xasan Sh Maxamuud,isagoo sheegay in mooshinka m.weynaha laga keenay uusan heysan sharciyad uu ku sii socdo.

Xilibaan C/laahi ayaa sheegay in mooshinkaasi uu Abuurayo Xasilooni darri siyaasadeed, isla markaana laga been abuurtay xilibaano badan oo aan ku jirin mooshinkaasi , Dustuur ahaanna aysan jirin

tallaabooyinkii sharci ahaan ay u baahneeyd Eedeymaha loo soo jeediyo M.weynaha Soomaaliya sida maxkamaddii Dastuuriga aheyd ee sharci ahaan Qiimeyn laheyd Asal ahaanta Eedeymahaasi.

Abshiroow ayaa hadalkiisa intaa ku daray in maadaama baarlamaanku uu galayo Kalfadhigii Todobaad ayna horyaallaan Shuruuc muhiim u ah xiliga kala guurka uuna mooshinkaasi carqaladeynayo habsami u socodka howlaha baarlamanka iyo geeddi socodka 2016.

HOOS KA DHAGEYSO: