TOP : Maamulka Ceelbuur oo ka warbixiyay dagaal khasaaro sababay oo ka dhacay deegaanno hoostaga degmadaasi.

0

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud Nuur Xasan Guutaale ayaa faah faahin ka bixiyay dagaallo ka dhacay deegaanno hoostaga degmadaasi.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab weerar ku soo qaadeen deegaanadaasi dhaca nawaaxiga degmada Ceelbuur , kaas oo la sheegay in khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac ah uu ka dhashay.

Mr Guutaale ayaa ku nuux nuuxsaday in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay dhinaca Al Shabaab  ka dileen illaa 10 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al Shabaab.

Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Ceelbuur oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu dhinaca kale carabaabay in uusan waxba kala socon wararka sheegaya in Ciidanka Ethiopia ay dad rayid ah ku dileen deegaanno ka tirsan degmada Ceelbuur , wuxuuna tilmaamay in haddii arrintaas ay wax ka jiraan uu uga tacsiyeynayo dadka rayidka ah ee khasaaraha dhimasho loo geystay isagoo tibaaxay in arrintaasi ay baaritaanno rasmi ah ku sameyn doonaan.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa dagaallo khasaaro geystay ay ka dhacayeen deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaanno hoostaga degmada Ceelbuur ee Gobolkaasi.