War Deg Deg Ah: Maleeshiyadii Daba-qoodhiga Ee La Keenay Tuulo Barwaaqo Oo Kala Cararay.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Maleeshiyadii Dabo Qoodhiga ahayd ee laga soo aruurshay Doolow iyo Luuq ee fariisinta ku lahaa Tuulo Barwaaqo inay kala carareen.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Maleeshiyadii Daba Qoodhiga ee laga soo aruurshay Degmooyinka Doolo iyo Luuq ee dhawaan fariisinta ka sameystay Tuulo Barwaaqo inay maanta kala yaaceen.

Maleeshiyada Daba Qoodhiga ayaa sida wararku sheegayaan waxa ay u yaaceen dhanka Doolow oo markii horeba laga soo aruurshay.

Tuulo Barwaaaqo ayaa waxaa iminka ku haray oo kaliya Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo weli ku sugan fariisimahooda.

Dhinaca kale waxaa sidoo kale isaga baxay Tuulo Barwaaqo ciidamada Itoobiya ee halkaas ku sugnaa maalmihii la soo dhaafay.

Isku soo wada duuboo waxaa xaqiiqo ah in maanta aysan ka shaqeynayn gobolka Gedo Maleeshiyo dhibaateynaysa shacabka, waxaa sidoo kale xaqiiqo a in shacabka gobolka Gedo ay u fidineyn wax gar gaar ah maleeshiyaadka noocaas oo kale ah.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media