WARBIXIN: Warar dheeraad ah oo aynu ka heleyno Xerada la weeraray ee deegaanka Janaale.

0

Wararka dheeraadka ah ee aan ka heleyno deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya in Ciidamada AMISOM kaga geeriyooday weerarkaas ay gaarayaan Tobanaan.

Bashiir  Cabdi Max’ed Diini oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii deegaankaasi ayaa sheegay in ku dhawaad 50 Askari oo AMISOM ka tirsanaa ay ku dhinteen weerarka , kuwa kale oo dhaawac ahna ay daadsan yihiin webiga qarkiisa sida uu hadalka u dhigay.

Laakiin ma jiro ilo rasmi ah oo xaqiijinaya khasaarahaasi ka dhashay weerarkii saaka.

Ilo deegaanka ah oo Shabelle ay la hadashay iyana waxa ay ugu xog warameen  in Ciidamadii AMISOM ee xerada la weeraray ku sugnaa qaarkood ay ku baxsadee n gaadiid dagaal , kuwa kalana ay ku carareen dhanka Webiga.

Iminka ayaa la tilmaamaya in xerada oo horay dadka loo fasaxay in ay bililiqeystaan lagu amrayo in raashinka oo kaliya ay gurtaan hayeeshee aysan qaadan karin hubka oo ay raranayaan Al Shabaab.

Sidoo kale Al Shabaab ayaa la soo warinayaa in raranayaan meydadka Ciidamada AMISOM eek u geeriyooday weerarkaasi.
Warar ayaa sheegaya in Madaafiic ay ku soo dhaceen Xerada Al Shabaabku la wareegeen kuwaas oo la rumeysan yahay in Ciidamada AMISOM ay ku soo ridayaan halkaasi.
26.06.2015 Subaxnimo Jimco ah ayey ahayd markii weerar ay ku dhinteen ku dhawaad 60 Askari oo AMISOM ka tirsanaa uu ka dhacay deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose kaas oo Masuuliyaddiisa ay sheegteen Al Shabaab, iyadoona dowladda Burundi ay qiratay in illaa 50 Askari ay kaga dhinteen weerarkaasi.