WARSAXAAFADEED : AMISOM: “Waxaan dib uga qabsanay Al-Shabaab Xeradii Militari ee Janaale.

0

Taliska ciidamada AMISOM ayaa weerarkii xalay gelinkii dambe lagu galay xero military oo ay ku lahayd meel duleedka ka ah magaalada Janaale waxa ay ku tilmaantay mid argagax gelin badnaa.

Weerarka lagu qaaday xeradaasi military, oo ay Al-Shabaab sheegatay, waxa ay AMISOM leedahay “waxaa loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lag soo buuxiyay”, si ay xubnaha Al-Shabaab xoog ugu galaan xerada.

“Taas waxa ay Al-Shabaab u suusagelisay” bey tiri AMISOM “in ay Al-Shabaab gudaha usoo galaan xeradaas. Ciidamadooda ayuu Taliska AMISOM sheegay in ay taasi keentay in ay si toos isu xabadeeyaan Al-Shabaab.

Wax yar kadib waxa ay sheegtay AMISOM in iyada oo ay ciidamadeedu ciyaarayaan farsamooyin dagaal ay ka baxeen xerada.

Maman Sidikou, oo ah Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia, oo war saxaafadeed kasoo saaray weerarkaas, ayaa sheegay in ay si kastaba mar dambe dib AMISOM ula wareegtay xeradii laga qabsaday saakay.

Sidikou ayaa sheegay inuu jiro qasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, hase ahaatee ma aanu cadeyn tirade inta ay gaarsiisan tahay.

Maman Sidikou waxa uu ciidamada AMISOM ee uu halkaas dagaalka ku qabsaday ku tilmaamay geesiyaal. Kuwa ku dhintay dagaalkaas ayuu sheegay in ay amaan mudan yihiin, maxaayeelay buu yiri “waxa ay ahaayeen Nababad Ilaaliyaal baadinaya Soomaalida”, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxa Midowga Afrka ee Somalia waxa uu sheegay inuu si kastaba cambaareynayo weerarkaas, faahfaahin kalena ay dib kasoo sheegi doonaan.

Weerarkaas Al-Shabaab waxa ay sheegeen in ku dileen 50 askari oo ka tirsan AMISOM, ayna ka qaateen xerada agab military, taasoo ay mar sii horeysay beenisay AMISOM. Al-shabaab kama hadlin xubnaha halkaas uga dhintay.