Weerarka culus ee Shabaab ku qaadeen Saldhiga Amisom ee Janaale oo lagu soo beegay sanad kadib dilkii Hogaamiyahooda

0

Sanad ayaa laga joogaa markii Diyaaradaha Drone-ka ee Dowladda Mareykanka ay weerar dhanka cirka ah ku dileen Hogaamiyihii Ururka Al Shabaab Sheekh C/raxmaan Muqtaar (Abuu Zubeyr) oo Bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay lagu dilay Gobolka habeellaha hoose.

1-dii Bishii September ee sanadkii 2014 ayuu dhacay dilka Abuu Zubeyr oo lagu beegsaday meel duleedka ka ah Deegaanka Dhaay Tubaako & Sablaale inta u dhaxeysa.

Al Shabaab ayaa xaqiisay geerida Axmed Godane 5 maalin kadib maalintii la dilay, Hadal qoraal ah oo ka kooban lix bog oo ku qoran af carabi iyo Ingiriisi oo ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inuu dhintay Axmed Cabdi Godane, iyaga oo intaa raaciyay inuu beddeli doono Axmed Cumar Abu Cubeyda.

Weerarka culus ee Shabaab saaka ay ku qaadeen Saldhiga ciidamada Amisom ay ku leeyihiin deegaanka Janaale, ayaa ku soo beegmay maanta oo ay tahay Taariiqda 1-da Bisha September, waa sanad kadib dilkii Hogaamiyihii Shabaabka.

Shabaab ayaa weerar Ismiidaamin ah ku bilaabay, weerarka ay ku qaadeen Saldhiga ciidamada Amisom ee Janaale, kadibna waxaa xigay rag hubaysan oo Shabaab ka tirsan inay gudaha u galaan Saldhiga oo si toos ah ay uga dhex dagaalamaan.

Weerarkaan oo ah mid abaabulan Shabaab waxa ay sheegeen inay ku dileen ciidamo badan oo Ugandhees ah, balse ilaa hada lama xaqiijin karo tirada ciidamada Shabaab ay ku dileen weerarka ay ku qaadeen Saldhiga ciidamada Amisom ee Degmada Janaale.

Dadka Degmada Janaale ku sugan, ayaa sheegay qaraxyo culus inay maqleen saaka aroortii ayna xigeen xabado culus oo ay maqlayeen, taasi oo argagax weyn ku abuurtay Bulshada Degmada Janaale.

Weerarkaan wuxuu dhacay saaka aroortii qaab ahaan wuxuu u eeg yahay weerarkaan weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen Xeradii ay ku sugnaayeen ciidamada Burundi deegaanka Leego, halkaasi waxa ay Shabaabka ku dileen ciidamo Burundi oo gaaraya 70 Askari.

Al Shabaab waxa ay horay ugu hanjabeen inay qaadi doonaan weeraro culus oo ay ugu aar gudayaan dilka Hogaamiyahoodii Duqeynta Mareykanka ku geeriyooday.