XOG: Golaha Dib U Xoreynta Soomaaliya (SRC) Oo Dhawaan Lagu Dhawaaqayo.

0

Ilo wareedyadeena ku sugan dalka dibeddiisa ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in dhawaan uu dhici doono shirweyne balaaran oo ay yeelanayaa Waxgaradka, Aqoonyahanada, Siyaasiyiin iyo qaybaha kale ee Bulsho weynta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Dibeddiisa.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in dhawaan lagu qaban doono wadan ka mid ah wadamada Yurub Shirweyne ay siugu imaanayaa Waxgaradka, Aqoonyahanada, Siyaasiyiin iyo qaybaha kale ee Bulsho weynta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Dibeddiisa kaa oo lagu lafo gurayo sidii looga xoreyn lahaa dalka Soomaaliya gacanta dalalka Itoobiya iyo Kenya.

Sida Xog ogaal ka mid ah qaban qaabiyeyaasha shirweynahan Soomaaliyeed uu u sheegay Warbaainta AGGM, ayaa waxa uu sheegay in ujeedkoodu uu yahay in dalka Soomaaliya la bad baadsho islamarkaana laga xoreeyo gacanta cadowga ee ay gashay, sidoo kalena waxa uu sheegay inay ku dhawaaqi doonaan Golaha Dib U Xoreynta Soomaaliya (Somali Re-liberation Council) SRC, xog ogaalkan ayaa sheegay inay dhawaan shaacin doonaan goorta iyo dalka uu ka dhacayo shirweynahana lagu bad baadinayo dalka Soomaaliya.

Xog ogaalkan ayaa sidoo kale waxa uu ka codsaday Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan inay ka qayb qaataan diidmada iyo la dagalaanka Gumeysiga si loo bad baadsho dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale waxaa jira dhaq dhaqaaqyo Kacdoon oo kale oo iyagana si xoowli ah u socda, kuwaas oo dhamaantood ujeedkoodu yahay in la bad baadsho dalka Soomaaliya waxa ayna ugu xoog badan yihiin oo ay ka socdaan Waqooyiga Amerika Iyo Yurub.

Isku soo wada duuboo waxaa maanta guul u ah Ummada Soomaaliyeed in iminka ay baraarugeen Indeergaradka Bulshoweynta Soomaaliyeed unna kaceen sidii ay u diidi lahaayeen qabsashahda Gumeystaha Qurmuun ee dalka Soomaaliya.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media