XOG: Nicholas Kay Oo U Xusul Duubay Siduu U Fashilin Lahaa Mooshinka Ka Dhanka Ah Xasan Sheekh…

0

Wakiilka Q.M u qabilsan arrimaha Somalia Nicholas Kay, ayaa faraha la galay howlaha Baarlamaanka ee loogu tallo galay Gudoomiyaha BF Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Nicholas Kay ayaa marba kulan la qaadanaayo Xildhibaanada labada garab ee Mooshin wadayaasha iyo garabka Muxaafidka ee iyaguna wada Mooshinka lagu difaacayo Madaxweyne Xasan.

Ujeedka uu ka leeyahay la kulanka Xildhibaanada ayaa lagu micneeyay inuu ka damacsan yahay mashquulinta Xildhibaanada kasoo horjeeda Xasan Sheekh si ay u sara marto tirada garabka Muxaafidka waxaana qorshahaasi lawada Madaxweyne Xasan iyo Jawaari oo isagu la safan Xasan Sheekh.

Kay ayaa kalsooni u muujinaayo Xasan Sheekh, bacdamaa Madaxtooyada Somalia ay horay uga gadooday warsaxaafadeedyo dhowr ah oo ay Beesha Caalamka ku muujineysay taageerida Mooshinka lagu laalaayo Xasan, waxaana iminka soo ifbaxaayo in Kay iyo Madaxtooyada ay noqdeen hal dhinac.

Madaxweyne Xasan ayaa isagu xiligaani la dhacsan Howlaha uu wado Kay waxa uuna Xildhibaanada saaxiibada dhow la ah uu ugu baaqayaa inay ku daba feylaan Kay iyo Jawaari oo gacanta kula jira badbaadinta Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Xiriirka Xasan iyo Kay ayaa iminka gaaray heerkii ugu wacnaa iyaga oo si joogta ah u wada qaato kulamo ay ku daraaseynayaa heerka marba marka xigta uu maraayo Mooshinka.

Isku soo wada duuboo Siyaasada mideysay ee Kay iyo Xassan ayaa ka danbeysay kadib markii ay Madaxtooyada kuwada gaareen Heshiis hoosaad dhigaaya in Xassan laga badbaadiyo Mooshinka, balse isaguna uu fulinaayo shuruudo gaar ah.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media