XOG: Xasan Sheekh Maxuu Ku Badashay Inuu Ka Qaybgalo Caana Shubka Horjooge Axmed Madoobe?

0

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inuu ka qeybgeli doono caleemo saarka Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe oo doorasho muran ka taagan yahay 15-kii August Isku doortay xilka madaxweynaha Juba..

Wararka laga helayo Ilo wareedyadeena sida aadka a ugu dhowdhow Horjooge Axmed Madoobe waxaa kulankii dhowaan Kismaayo ku dhex maray Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid iyo Axmed Madoobe looga hadlay arrintan iyadoo Axmed Madoobe si weyn u doonayay in caleemo saarkiisa ay ka qeyb galaan madaxda sare ee dowladda si sharciyad uu uga helo mar haddii ay tegi waayeen doorashadiisa.

Horjooge Axmed Madoobe ayaa loo balan qaaday in Madaxweyne Xasan Sheekh ama Ra’iisal wasaaraha ay caleemo saarkiisa ka qeyb geli doonaan haddii uu ka qeyb qaato in xildhibaanada Beesha Ogaadeen ee saxiixay mooshinka Madaxweynaha ay ka baxaan mooshinkaasi kana qeyb qaataan fashilintiisa, arrintaas oo Axmed Madoobe balan qaaday isla markaana fuliyay.

Dhinaca kale Xasan Sheekh ayaa R/wasaare Cumar Cabdirashiid waxa uu ugu diray magaalada Kismaayo in Horjooge Axmed Madoobe uu ka dhaadhiciyo in Xildhibaanada ay sameysteen Raaskambooni loo kordhiyo Beesha Hawiye 10 Xildibaan halka Beesha Digil iyo Mirifle-na 5 Xildhibaan loo kordhinayo si Xildibaanadooda Mooshinka ka keenay Madaxweyne Xasan ay uga baxaan amaba dib uga laabtaan Mooshinkaas ka dhanka ah Madaxweynaha.

Isku soo wada duuboo waxaa la saadaalinayaa haddii uu Xasan Sheekh ka qaybgalo caana shubka Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni in uu mutaysan doono colaad ba’an iyo cadaawad siyaasadeed oo fara badan sababna u noqota iany soo deg degto burburka dowlada Soomaaliya iyo in lagu kala tago.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media