XOG : Yuusuf Xuseen Jimcaale oo loo wado Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir & Duqa Muqdisho.

0

Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani) oo deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Banaadir, ayaa waxaa lagu wadaa in loo magacaabo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir & Duqa Magaalada Muqdisho.

Boorsaani waa xubin ka tirsan Urur Diimeedka Dam Jadiid, oo ah garab ka tirsan Al Islaax. Boorsaani waxaa la tilmaamaa in uu wax ku soo bartay Jaamacadda Azhar Ee Wadanka Masar.

Horey waxa uu Imaam kaga soo ahaa Masaajid ku yaala Mac Macaanka Ee Degmada Dharkiinley. Boorsaani oo markiisii hore xubin ka ahaa Islaax, ayaa dagaal looga saaray Degmada Dharkiinley sanadkii 1996-kii, ka dib markii uu khilaaf soo kala dhex galay Muuse Suudi Yalaxow iyo Wadaadadii Al Islaaxa ahayd.

Xafiiska Madaxweynaha Somaliya, ayaa diyaarinaaya Wareegto Madaxweyne oo lagu soo magacaabi doono Yuusuf Xuseen Jimcaale, oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la dhacsan yahay.

Boorsaani

Ilo lagu kalsoonaan karo, ayaa AllGalgaduud Media u sheegay in Madaxweynaha Somaliya uu go’aansaday xil ka qaadis uu ku sameeyo Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir & Duqa Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Madaxweynaha waxaa soo gaaray ashtako taxana ah oo ka dhan ah Duqa Muqdisho, taa oo keentay in Madaxweynuhu uu ku mashquulo sidii uu jegadaasi kaga qaadi lahaa.

Eedeymaha ugu xoogan ee loo haysto Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa ah in wada shaqayn la’aan kala dhaxeyso Ku Xigeenadiisa, isla-markaana uu talladii Maamulka keligii isu soo koobay.

Arrinta labaad ee ugu weyn ee loo haysto Duqa Muqdisho, ayaa waxaa weeyaan dhul boob lagu eedeeyay in uu ka wado Magaalada Muqdisho, isagoo markaasi gacan ka helaaya nin la dhashay Madaxweynaha Somaliya, oo lagu magacaabo Cali Sheekh Maxamuud, taa oo loo arkay in lug uu ku lee yahay Madaxweynaha.

Sarkaal Madaxtooyada Somaliya ka tirsan, ayaa AGGM u sheegay in sidoo kale uu Muungaab ka gaabiyay wada shaqaynta uu la lee yahay Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh, taana ay qayb ka tahay xil ka qaadista lagu wado in lagu sameeyo.

Madaxtooyada waxaa leesla dhex marayaa, ka dib markii Muungaab uu ogaaday in xil ka qaadis lagu samaynaayo, uu bilaabay inuu dhaqaalo siiyo Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ee dhabarka ka riixaysa Mooshinka Madaxweynaha ka dhanka ah.

Muungaab, ayaa la hadalhayaa in sidaa uu u yeelaayo in Madaxweynaha uu ku mashquuliyo arrimaha Mooshinka, si dib u dhac ay igu timaado xil ka qaadista la fillaayo in dhawaan uu ku sameeyo Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa xilkaasi Muungaab u magacaabay daba yaaqadii bishii Febraayo ee snadkii 2014-ka, markii uu xilkaasi ka xayuubiyay Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).